REER MAAYLAND OO MADAXWAYNAHA VILLA SOOMAALIYA FARMAJO KA DACWAYNAYA MAXKAMADDA DAMBIYADA ADDUUNKA HEUGUE LAAKIIN!!

0
07 August, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    REER MAAYLAND OO MADAXWAYNAHA VILLA SOOMAALIYA FARMAJO KA DACWAYNAYA MAXKAMADDA DAMBIYADA ADDUUNKA HEUGUE LAAKIIN!!

    Madaxda warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya waxaa ay dacwad adag ka gudbiyeen madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/LLaahi Farmaajo oo dhowaan baasaboorkii Mareykanka uu watay lagala noqday, kadib kolkii shacabwaynaha Ja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya waxaa ay dacwad adag ka gudbiyeen madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/LLaahi Farmaajo oo dhowaan baasaboorkii Mareykanka uu watay lagala noqday, kadib kolkii shacabwaynaha Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland dal iyo debedba dacwado dhaadheer caddaymooyin wata si isdabajoog ah aanu daal lahayn ay ula daba istaageen harka labadiisi gelin mugdiga lagu hallaabaa hoggaamiyaha dhiigyacabka Soomaalidu aad ugu sirmeen asalkuba inay madaxwaynenimo u doortaan.


Baroboosalo si akadeemig ah qubaro ay u soo diyaariyeen dacwad ka dhan ah Maxamed C/LLaahi Farmaajo ayaa midigta laga gelshay maxkamadda dambiyada adduunka The Heugue ee ku taal waddanka Holland, dacwaddaaso salka ku haysa xasuuqii Farmaajo uu ka gaystay Magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay iyo shirqoolkii uu ku soo qafaashay madaxwaynaha Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur 13.12.2018-kii.
Dacwadda maxkamadda dambiyada adduunka Heugue ay Reer Maayland u gudbiyeen maanta ka dhanka ah kaligiitaliyaha Villa Somalia fadhiya Farmaajo, ayaa waxaa ka sii horaysay in ergayga gaarka Qaramada Midoobay Mr Nicolas Haysom uu intaan la baddalin ka hor Golaha Amaanka Qaramada Midoobay fadhigiisu yahay New-York xoghayaha guud hortii ka aqriyay warbixinta xasuuqii iyo tagrifalkii awoodeed ee uu Farmaajo kula kacay bulshada dhulka webiyadu iska leh ee daggan oo doonaysay si dimoqaraaddiyad leh inay u qabsadaan doorasho xor iyo xalaal ah si waafiqsan xeerarka caalamka iyo ka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, taaso dhiiggii xaqdarada Maxamed C/LLaahi Farmaajo qabyaalad iyo isir nacayb daraaddooda uu bulshada Maayland ugu xasuuqay bartamaha magaalada Baydhabo shacbiga rabitaankoodo ku taagan milatariga iyo taangiga Itoobiya uu u adeegsaday, awoodna lagu maquuniyay dadwaynaha, dhiggaaso maantadan xisaabtiisu la isugu fadhiyo.
Maxamed C/LLaahi Farmaajo oo lagu tiriyo inuu xanuunsan yahay qabana cudurka (Autism)-ka balliikow, yahayna madaxwaynihii ugu liitay uguna khayrumasuulsanaa geeska Afrika, ayaa horaanba intuusan xilku qaban ugu gafay shacabwaynaha Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland oo ah tiro 55% mushtamaca Soomaalida inteeda kale, ereyadiisi dowdardhaafka ee uu ku hadaaqay oo ka mid ahaa "dadyowga Maaygu inay 20% ka yihiin dalka tiro ahaan, haddaan Maay aan la xukuminooy isxukumaan, ay tahay in la iswaydiiyo cidda kalo la xukumayo Soomaaliya gudaheeda."
Hadal raagaybaa yiri "Qofaan warankaagu gelin warkaagu maba galaba," kaligiitaliye Farmaajo oo u bartay sidii adeerkii Afwayne uu Somaliland, Galmudug, Hirshabelle, Muqdisho iyo ummadda Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland 6.5-ka dhulka burwaaqada leh webiyada intuu rijiimku xasuuqo gamta ka suro dhulkoodu qaato beeshoodu ku beeraan cariga, la gumaadayaashii iska aamusaan, ayaa xiligan waaga ku baryaya, bacdama wixii uu dhuusadu moodayay ay xaar ku noqdeen, xasuuqa Maayga iyo xarigga madaxwayne Mukhtaar Roobow gardarada yaska iyo isquuska ah oo uu sahashanayay Farmaajo ayaa keenay natiija ahaan falcelintii ka timid, in baasaboorkii Ameerikaanka laga dhigo, dowlladdiisu musuqa fuuqaystay iyo ku dhaqanka qabyaalladdu heerkii ugu saraysay ka gaadhay in dhaqaalihii caalamku ka goosto iyo haatan oo maxkamaadda dambiyada adduunka The Heugue laga gudbiyay dacwad caalami ah, taaso mar kale muujinaysa fursadaha Maxamed C/LLaahi Farmaajo ee inuu xarig galaa kaga badbaadi karayo ay aad u yadhahay, waxaana arrinkan aynu ku macnayn karnaa suugaantii Soomaaliyeed ee abwaankii soojire aqoonlow horay u yiri "wareegtada jacaylka waqtigaa baddalayo waayaha adduunkuna walbahaar u yeela."


 

Shimbirkii duul duul badan maruunbuu madax abeesa ku dagtaa, lugahaan meel lala istaaginna mar uunbay halis limbadaan Farmaajana amar Alle laakiin!!
By:Ustad Adam Increase




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip