Ciidanka Xoogga dalka oo sheegtay in ay qabsadeen deegaanko hoostaga Awdhiigle.

0
07 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga dalka oo sheegtay in ay qabsadeen deegaanko hoostaga Awdhiigle.

    Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan & howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadaan tuulooyin hoos yimaada degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan & howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadaan tuulooyin hoos yimaada degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose .
Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa saaka gudaha u galay deegaanka Malable ee hoostaga degmada Aw-dheegle ee gobolkaasi,halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa u sheegay in ay howlgalka ka wadaan deegaannada Al-Shabaab kaga suganyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.


Ciidankaan Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa saakay ka baxay Degmadda Owdhiig waxaana saraakiisha hogaaminaysa Ciidankaan sheegeen in ay ku wajahanyihiin deegaano kale oo tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab dhankooda kama hadlin sheegashada Ciidanka Xoogga Dalka oo ah in ay qabsadeen Deegaanka lagu Magacaabo Malab oo hoos taga Awdhiigle.

Ciidamada Dowladda ayaa  shalay la wareegay  degmada Aw-dheegle iyo deegaanno hoos yimaada oo ay mudo dhowr sano ah ku sugnaayeen a Al-Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip