Taliyaha cusub ee AFRICOM oo Muqdisho kula kulmay Ra'isalwasaaraha Soomaaliya

0
08 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha cusub ee AFRICOM oo Muqdisho kula kulmay Ra'isalwasaaraha Soomaaliya

    Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana uu la kulmay madaxda dowladda Soomaaliya iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana uu la kulmay madaxda dowladda Soomaaliya iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.
War saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayey ku sheegeen in booqashada Taliyaha cusub ee Soomaaliya ay la xiriirto dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, dhaqaalaha iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka uu la qaatay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya iyo saraakiisha kale ee amaanka dowladda ayaa waxaa uu kala hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen AL-shabab.


Taliyaha ayaa sheegay in uu Muqdisho u yimid sidii dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo saaxiibada Soomaaliya ay cadaadis wadajir ah u saari lahaayeen Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Jeneraal Townsend ayaa ku taliyay in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku hayaan Al-shabab meelaha ay hadda joogaan islamarkaana sii wadaan dagaalka ka dhanka ah.

Waxaa kale oo uu xusay in dowladda Mareykanka ay kaalinteeda ka qaadaneyso sidii dowladda Soomaaliya ciidankeeda ula wareegi lahaayeen amniga dalka amrka uu dhamaado howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-shabab aysan xilligan ku dhicin in ay weeraraan Mareykanka ama danahiisa kale ee caalamka laakiin ay yihiin urur Argagixiso gaar ahaanna kuwa ugu qatarta badan geeska Afrika loona baahanyahay in laga qabto Gobolka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip