DALKA LICHTENSTEIN OO SOOMAALIDA DAGGANI AAD UGA CIIDAY MAANTANA LAAKIIN!!

0
12 August, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DALKA LICHTENSTEIN OO SOOMAALIDA DAGGANI AAD UGA CIIDAY MAANTANA LAAKIIN!!

    Magaalada Vaduz oo ku taal waddanka Lichtenstein bartamaha qaaradda Yurub kana mid ah dalalka ugu yaryar caalamkan aynu maanta ku nool nahay qarnigii 21-naad, waxaa ku nool qayaastii 30 kun ilaa 40 kuno ruux guud ahaantiiba, waxaana dadyowgaasi tirad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Vaduz oo ku taal waddanka Lichtenstein bartamaha qaaradda Yurub kana mid ah dalalka ugu yaryar caalamkan aynu maanta ku nool nahay qarnigii 21-naad, waxaa ku nool qayaastii 30 kun ilaa 40 kuno ruux guud ahaantiiba, waxaana dadyowgaasi tiradoodu 50-ka kun aanay gaarin ku jira muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u tira yar, balse tayayoodu aad u fiicantahay Soomaalinimadu ka muuqanayso ee aan halmaamin dhaqankooda suuban Islaamnimadu u horayso.

Saacaado kahor uunbay ahayd kolkii ay xaflad aad u qurux badan ay ku dhigteen isla magaalada Vaduz, taasoo ay ugu talagaleen waynaynta munaasibadda Ciidul-Adxa oo ka mid ah saddaxda ciidood ee diinta Islaamku u jidaysay ummadda Muslimka ah.
Aqoonyahanad xeeldheer kartida iyo dadnimadu asaageedu geeda dheeraatay qiimi iyo qaayawayn ku dhex leh bulshada geeska Afrika in badana ka shaqaysa hawlaha samafalka Marwo Khadra Shire Maxamed oo daggan waddanka Lichtenstein kana mid ah qabanqaabayaasha xafladdani faraxa xambaarsan ayaa lagu arkayay goobta bulshadu ay isugu timaaddayo ku kulansanayd ooy martisharafta iyo martigeliyayaashuba ay sheekooyin iyo qosol iswaydaarsanayeen.
Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation oo si rasmi ah loogu casuumay madashan, waxaa ay wareysi la yeelatay Marwo Qaali Shire oo hadda kahorna wiil Soomaali ahi isagoo xanuunsan waalid iyo qaraabadiiba uu waayay ay dadaal u gashay inuu helo ehelkii, kadib markii warbaahintu ay casuumatay sidaana lagu baafiyay wiilkii Soomaaliyeed ehelkii, ishelitaan dabadeed ooy wiilkii waalidkiisu ay isheleen intaan tii Rabbi u iman, goortii uu rawaxayna muwaaddinkii geeridiisu xaqiiqowday maydkiisu loo qaaday dalkiisi hooyo oo ay hooyadiisu gacanteedu ku duugatay.
Goobta munaasibaddan ku wayn Islaamka ciidda lagu dhigay oo ay soo xaadireen bulshada qaybaheega kala duwan ee daggan dalka aynu magaciisu kor ku soo xusnay, waxaa hoolka quruxda badan xafladda in lagu qabto loo diyaariyay gudihiisa lagu arkayay rag dhallinyaro u badan oo aad u labisan iyo dumar haybaddii ka muuqato hubqaadkii wacnaa gabdho naashnaashan ooy qaarkood hareeruhu ka shalax shalax leeynayeen caruuro darayskii iidda loo soo xiray shacaacirta Islaamku ka muuqanayso oo farax aawadii la dhoollacaddaynayay, iyada oo martida iyo martisharaftuba masuuliyintii khudbadaha jeedinayay ay si taxadar dareen ixtiraam ku dheehan yahay u dhugananayeen una dhaguugayeen hadalada masuul kasto masraxa ka waramayay.
Ugudambayntii xafladdii Soomaalida Vaduz dalka Lichtenstein Ciidul-Adxa ay ugu talagaleen maalmaha faraxa, waxaa ay ku soo gabangabowday jawi aad u heer sareeya, iyada oo gaws u raaxayn iyo jadiin qoyasho kifaax iyo raynrayn ku dheehan yahay dabadood bulshadu ay wada dhoollacaddaynayeen sida ay ula dhacsanaayeen kulankooda farxadeed taariikhiga ee uu ka dhigan yahay is uruursiga walaaltinimada Soomaalinimadooda markii ugu horaysay wadajir ay hal meel ugu wada ciidaan.
Geesta kale haddaynu xusno muwaadiniintii sida gaarka uga hadashay xafladdan waxaa ka mid ahaa:- Gudoomiye kuxigeenkii hore arrimaha bulshada gobolka Baay Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland Mudane Feysal C/Qaadir (Feysal Digir). 2:- Mudane C/wali Yuusuf Badane. 3:- Mudane Nuuradiin Xasan Jaamac. 4:- Mudane Yaasiin Buub Gacal. 5:- Mudane Sugaal C/salaan. 6:- Mudane Maxamed Gaafoow. 7:- Mudane Xuseen Cabdi Xasan iyo Marwo Maryan Cabdi Xasan oo dhamaantood si isku mid u dhow gooni gooni ah ugu hambalyeeyay bulshada faraxadda ciidda wayn Adh-Xaa aawadeed.
Soomaaliya oo xoriyadda qaadatay sanadkii 1960-kii in ka badan 20 sanadood uu xukumayay kacaan milatari arxanlaawe mannaxaan ah 1991-kiina goortii afka ciidda loo daray xukuumaddii qoriga caaraddii ku timid burburkii ka dhashay kala daadashadiisi ay khasabtay in mushtamaca Soomaaliyeed dalkoodo hodani ay nolol u raadsadaan caalamka intiisa kale si ay uga badbaadan bixisada casaanka iyo ifisooyinka bambaanooyinka bootiya dadka iyo baabuurta Beebbaha burursan iyo kaaraha gurguuranaya oo ay baal guurayaan beerlaabka baaskooldaha guntiga la gashado shilkaha afar aflaha la saaxiibka daboolyaraha dhashikaha bintoofka iyo girinoofka gaaggixiya oo bahgooyada ah beer u seexsha noolaha aadmigu duunyaduna aanu reebin, dabaadigii soo haray bifta ka badbaaday ay qaybta ka yihiin Soomaalida Lichtenstein ayaa saaxada waxay uga soo muuqanayaan jaaliyad ahaan iyago hankoodu yahay in waaya-aragnimadii ay ka soo qaateen qurbaha waqtigooda dambana ay dalkoodu  dib wax ugu biiriyaan iyaguna ay wax qabsadaan inta uu dadaalkoodu fursaddu u siinayo inay wax ku gaaraan biyo sacabo.


 

Vaduz-na ma aha marfish iyo gole la maageero amar  Alle laakiin!!
By:Adam Increase


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip