DEG DEG:-Weerar qarax ku bilaawday oo ka dhacay Awdheegle

0
14 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Weerar qarax ku bilaawday oo ka dhacay Awdheegle

    Wararka aan ka helayno deegaanka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah, kaas oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmadaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka helayno deegaanka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah, kaas oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmadaas.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa la sheegay in lagu weeraray Saldhig ay Ciidamada  Dowladda ku leeyihiin Awdheegle, iyada oo uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas, iyada oo ay dag tahay in la helo wararka rasmiga ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa kadib uu bilaawday dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo uurka Al-Shabaab oo weerarka qaraxa ku bilaawday ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda ee deegaanka Awdheegle.


Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa todobaad ka hor waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degmada Awdheegle oo mudo dhowr sano ah ay maamulayeen.

Wararka kusoo kordha kala socda halkaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip