C/raxmaan C/shakuur iyo siyaasiyiin uu hoggaaminayo oo ku biiray Shirka ka socda Hobyo

0
14 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/raxmaan C/shakuur iyo siyaasiyiin uu hoggaaminayo oo ku biiray Shirka ka socda Hobyo

    Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Siyaasiyiin uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo uu ka socdo shirka Nabadda oo ay leeyihiin Beelaha H/gidir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Siyaasiyiin uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo uu ka socdo shirka Nabadda oo ay leeyihiin Beelaha H/gidir.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ka qeyb galay shirka, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta beesha ee ku biiray shirkaas oo wajigiisa labaad galay.

Shirkan ayaa waxaa horay uga qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka iyo siyaasiyiin, waxaana looga hadlayay dib u heshiisiinta beesha, masiirka deegaanada Galmudug iyo sidii meesha looga saari lahaa mad madowga iyo khilaafaadka siyaasadeed.

Inkastoo muddooyinkii u dambeeyay uu shirkan socday, hadana weli wax go’aan ah lagama soo saarin, waxaana shirkan uu ahaa mid saameyn weyn ku yeeshay dadaaladii uu Ra’iisul Wasaaraha ka waday Dhuusamareeb ee la xiriiray howlaha dhismaha Maamulka Galmudug, kaddib markii inta badan Beelaha ka qeyb galaya shirkan ay ka soo horjeesteen howlaha uu waday Wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip