Saddex ruux oo ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Muqdisho

0
17 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 85
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex ruux oo ku dhaawacantay Qarax ka dhacay Muqdisho

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ka dhacay Agagaarka Haanta dheer ee Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Dayniile.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo ka dhacay Agagaarka Haanta dheer ee Magaalada Muqdisho sidda ay xaqiijiyeen maamulka degmada Dayniile.
Qaraxa ayaa ahaa Mid lagu aasay wadada dhinaceeda gaar ahaan wadada u baxda xarunta Maamulka degmada Dayniile  meel ku dhow isbitaalka Guutaale.

Xoghayaha degmada Dayniile Mahad Shilaawe ayaa xaqiijiyay in Saddex ruux oo Shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa,islamarkaana lala damacsanaa mas’uuliyiinta degmada Dayniile.

Ciidanka Booliska degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo Ammaanka lagu xaqiijinaayay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip