Musharaxiin ka tanaasulay u tartamida Madaxweynaha Jubbaland

0
20 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxiin ka tanaasulay u tartamida Madaxweynaha Jubbaland

    Magalada Kismaayo waxaa Maanta kaga dhawaaqay inay ka tanaasuleen mushaarxnimadii Madaxweynenimo ee Jubbaland Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi oo ka mid ahaa musharixiintii is diiwaangeliyay ee Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Kismaayo waxaa Maanta kaga dhawaaqay inay ka tanaasuleen mushaarxnimadii Madaxweynenimo ee Jubbaland Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi oo ka mid ahaa musharixiintii is diiwaangeliyay ee Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland..
Shir jaraa’id uu ku qabtay Magalada Kismaayo Cabdi Xiis  ayuu sheegay in uu yahay aqoon yahan u qalmo xilkaas,hayeeshee uu ka tanaasulay,kadib markii uu xeeriyay xaaladaha ka jira jubbaland iyo dalab uga yimid beesha uu ka dhashay uu tanaasulay.

Waxaa uu sheegay in uu u arkay in danta gaarka ah laga hormariyo danta Jubbaland,isaga oo Shacbaka u rajeeyay, Amni Barwaaqo,isla markaana uu Alle ka baryay in Shacabka Jubbaland uu ka saaro duruufaha ku xeeran doorashada Jubbaland.


Djinaca kale Axmed Cabdi oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa tanaasulay islamarkaana go’aansaday in uu ka haro tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in uu u tanaasulay sababo isaga u gaar ah iyo danta Shacabka ku nool deeegaannada Maamulka Jubbaland.

Ka haritaanka laba mid ka mid ah musharixiinta Jubbaland tartanka Madaxweynenimo ayaa kusoo aadeysa xilli maanta khudbadahooda musharaxnimo ay jeediyaan Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip