Madaxweynihii 3aad ee Jubbaland oo Kismaayo looga dhawaaqay iyo Mucaaradka oo labo Madaxweyne yeeshay

0
23 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii 3aad ee Jubbaland oo Kismaayo looga dhawaaqay iyo Mucaaradka oo labo Madaxweyne yeeshay

    C/naasir Seeraar Maax ayay maanta Taageerayaashiisa ku dhawaaqeen inay Madaxweyne u doorteen, iyadoo Golihii badbaadada iyo is bedel doonka Jubbaland ay labo garab noqdeen, isla markaana doorteen labo Madaxweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/naasir Seeraar Maax ayay maanta Taageerayaashiisa ku dhawaaqeen inay Madaxweyne u doorteen, iyadoo Golihii badbaadada iyo is bedel doonka Jubbaland ay labo garab noqdeen, isla markaana doorteen labo Madaxweyne.

Hoyga uu ka degan yahay C/naasir Seeraar ayay ka dhacday doorashada labaad oo Mucaaradka ay qabteen, kaddib markii shalay ay sidan oo kale Madaxweyne ugu doorteen C/rashiid Maxamed Xidig.

Tani ayaa ka dhigan in Jubbaland ay mar kale faraha la gashay xaalad siyaasadeed, isla markaana yeelatay saddex madaxweyne.

C/naasir Seeraar ayaa horay u ahaa Afhayeenkii Maamulka KMG ee Jubbaland, Guddoomiyihii 3aad iyo Afhayeenkii Ururkii Raaskambooni ee kala qeyb qaatay Ciidamada Kenya howlgaladii Jubbooyinka looga saaray Al-Shabaab.

Xaalada ay haatan ku sugan tahay Kismaayo iyo khilaafka siyaasadeed ee ay dhex hoganeyso ayaa la mid ah sida tii sanadkii 2013, xilligaasoo ay yeelatay in ka badan shan Madaxweyne oo iskood isu doortay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa war ay shalay soo saartay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn is caleema saarka aan waafaqsaneyn habraaca dastuurka ee doorashooyinka iyo natiijooyinka ka soo baxay shaqsiyaad ay sheegtay inay is doorteen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip