MAXAAD KALA SOCOTAA SARAAKIISHA MILATARIGA MAAYLAND IIMAAN ELMAN IYO ATBAACDEEDA AY MISHIMEEN OO HAATAN MUQDISHO KU XIRAN LAAKIIN!!

0
23 August, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    MAXAAD KALA SOCOTAA SARAAKIISHA MILATARIGA MAAYLAND IIMAAN ELMAN IYO ATBAACDEEDA AY MISHIMEEN OO HAATAN MUQDISHO KU XIRAN LAAKIIN!!

    Gool yaxaas ku qaadyaa iyo gaari kula gadoonyaaba Maayland-noow gugan geeri maa dheer, xariga madaxwaynaha Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur gardarada ah marka laga yimaado, waxaa magaalada Muqdisho ku xira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gool yaxaas ku qaadyaa iyo gaari kula gadoonyaaba Maayland-noow gugan geeri maa dheer, xariga madaxwaynaha Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur gardarada ah marka laga yimaado, waxaa magaalada Muqdisho ku xiran 7 sarkaal oo u dhalatay Maayland oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka federaalka Soomaaliya (C.X.G.D.F.S) inta la ogyahay ilaa iyo haatan, saraakiishaaso qaarkood aan laga warqabin halka lagu cadaabayo, balse haddaynu wax yar ifino qayb ka mid ah kiisaskooda.

7-da sarkaal Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) u dhashay midi uu ka soo jeedo degmada Marka Caddey gobolka Shabeellaha-Hoose ka gumaadku sida gaarka ugu socdo, waxaa ka mid ah abaanduulaha ciidanka qaybta Danab fadhida garoonka wayn dayuuradaha Bilidoogle Kabtan Maxamed Isaaq oo gudaha wasaaradda gaashaandhigga xiligan (Rest) xabsi guri ku ah iyo 2-xiddigle Cabdalla oo saacaddan lagu ciqaabayo xabsi aan ruux bini aadam laga naxayaa aan sinaba loo gaynaynin.


Runtii waa amuur la yaab leh sida labadan sarkaal Maaynimada daraaddeed loo bursanayo loo mishimay oo si macnaha warbixintu ay inoo gabowdhacdo aynu u baahanahay inaan si taxadar leh miirqab uu ku jiro aan u dhuuxno qormada bilow iyo dhamaadba, taaso magan aynu uga noqon karayno faahfaahinteedan xaqiiqda ka jirta xafiiska taliska ciidanka milatariga iyo bilayska Soomaaliya oo aqbaaraad farabadan yaab iyo amakaag kugu reebaya bulshadu aad uga daahsoonaa aydan ka wabxi doontaan waraan kitaab tirin ooy warbaahintiinu ku bohowday Koonfurta Soomaaliya, ama dheh Southern Media Co-Operation ay idiin kaga soo dheegtay gun iyo baarba sirdoonkeeda ku firirsan dhamaan xafiisyada iyo xarumaha dowliga iyo gaarka geeska Afrika.
Jiniqaar oo ah taliyaha ciidanka Milatariga Danab daggan madaarka Bilidoogle oo darajada kornaylnimadu inadeernimo lagu siiyay u dhashay gobollada waqooyi Bari, ah nin aad u been badan, ahaana jiray raggii Cabdillaahi Yuusuf Yeey daba ordi jiray ee uu murashax madaxwayne doorashadii u dambaysay Puntland Deni uu ku soo baxayay isu soo taagay tartanka qabashada xilkaasi lagaga dheereeyay, waxaa uu dhacay hantida qaranku iska leeyahay, kadib kolkii uu lunsaday gaari nuuca Cabdi-Bilaha loo yaqaan ciidanka xoogga federaalka Soomaaliya ummaddu ka dhexeeyo, waxaana Jiniqaar markii uu cunay gaarigaasi milatarigu u xisaabsan yahay, bacdama la iska warsanayo uu dambigaasi wayn foosha xun ee uu qaranku ka galay dusha ka saaray sarkaalka daacadda ah dalkiisu sida habsamadi leh ugu shaqaynayay lagu magacaabo Kabtan Cabdalla Maayland isirkiisu yahay.
Arrintan goortii ay dhacday, Kabtan Cabdalla iyo nin kuxigeen u ah ee la yiraahdo Ismaaciil darajadiisu tahay 2-xarigle Isbatoore dhexe kuna beel ah Jiniqaar, waxaa looga yeeray wasaaradda gaashaandhigga caasimadda Soomaaliya ku taal jidka warshadaha Muqdisho xeradii guulwadayaasha, kagadaal kolkii gaarigii qaranku lahaa Jiniqaar taliyaha ciidanka Danab Bilidoogle intuu dhacay dambigana uu dusha ka saaray dulmane Kabtan Cabdalla.
Dhadhanka sheekadu si aysan kaaga tagin miskexdaadu waydiinta ka guuxaysa sababta isbitoorahana loola xiray Kabtan Cabdallaha la dulmay xalkeedu waxaa weeyaan, in xarigga Ismaaciil 2-xarigluhu uu yahay uun dhoollatus, waayo Ismaaciil oo ay isku beel yihiin Jiniqaar iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isbatooruhu waaba ka gaariga Cabdi-Bilaha la dhacay dullaal ka ahaa iskana warqabaan isaga iyo Jiniqaar, balse ruwaayad iyo musalsal dheer loo dhigayo ciidanka kale si aakhirka kabtan Cabdallaha iyo saraakiisha Maayga uun loola dago.
Kabtan Cabdalla iyo kuxigeenkiisa 2-xarigle Ismaaciil goor ay ka maqan yihiin xerada gudaha Bilidoogle, waxaa dabagal iyo baaritaan adag bilaabay sarkaalka geesiga dhiigga Maaynimadu ku jiro sida lagu yaqaan dhallinyarada miskexdoodu xorowday Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland dulmidiidka ah qarnigan Kabtan Maxamed Isaaq oo ah abaanduulaha ciidanka milatariga Danabka jooga Bilidoogle ahna sarkaalkani ku xigeenka Jiniqaar, waxaana sheekadu kolkay khaa'iniintii ku soo cuslaatay ay dareemeen in cubku gali rabaan, islamarkaana kabtan Maxamed Isaaq baaritaankiisu meel fiican ee uu marayo horumaro badana ka sameeyay hawshiisi fatishka Jiniqaar ay meel xun ka marayso, garoonka Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) waxaa ka soo dagatay xaaskii hore Liibaan madaxwayne Iimaan Elman gabadha Galmudug ee fadhida xafiiska taliyaha ciidanka xoogga federalka Soomaaliya oo qaybtii 60-maad saraakiishii milatarigii Baydhabo soo jajabaysay xarash xunna u haysay kabtan Maxamed Isaaq oo ay doonaysay inay daaqadda kala baxdo si booskiisa ay ugu baddasho nin ay iyada isku beel yihiin, waxaana Jiniqaar ooy ku taagan tahay iyo Iimaan Elmano iyana sarkaalkan inay buusto doonayso danahoodu ku midku noqdeen in Kabtan Maxamed Isaaq abaandulaha ciidanka Danabta Bilidoogle isna god lagu rido, taaso keentay inay labaduba u shooraan loogana yeeray kabtankii Maayga Maxamed Isaaq wasaaradda gaashaandhigga maalmo kooban kahor goor subax ah.
Inta aynan u galin dhamaystirkeeda arrintan inoo socotay sheekadan yaabka iyo dhabanahayska ah, si aynu u fahamno silsiladdu siday u xiriidho shaxdu aysan nooga qaldoomin ooy wax waliba waadix inoogu noqdaan sida waabarka.
1-Taliyaha ciidanka xoogga federaalka Soomaaliya waa Janaraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo u dhashay beesha Fahad Yaasiinka haysta sirdoonka Soomaaliya qaraxyadana ka fulinaya gobolka Banaadir iyo gobollada dalko idil kana tirsanaan jiray garabkii Axmed Godane Abniyaadka madaxjabinta xagjirka arggaggixisada Alshabaab, halka kuxigeenka taliyaha xoogguna uu yahay nin u dhashay beesha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo la yiraahdo Janaraal Xajaar.
2-Taliyaha ciidamada lugta (Efenteriga) federaalka Soomaaliya waa Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo u dhashay beesha Xasan Shiikh Maxamuud (Xasan Safarow), halka kuxigeenkiisu isna uu yahay nin ku beel ah isla Farmaajo, kaaso darajadiisu Janan tahay haatana ku sugan Awdheegle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, horaana u ahaa (Diaspora) qurbajoog ka yimid waddamada reer galbeedka aalaaba qoraxdu ku yadhahay, iyado intan haddaynu aragnay sadbursiimadan waallida ah Vila Somalia ka socotaa, ay mudan tahay in la iswaydiiyo su'aasha daran ee ah ah "meeyay halbeeggii awood-qaybsiga Soomaalidu ku soo heshiisay magaca dowlladnimadu ummaddu loo sheeganayay iyo caalamkuba lagu joogo, mise Rasaaq iyo Rashiid kalibaa nool, oo inta kale waa root?," hubaalna ramal iyo foolna kuma raysto ruux rarab iyo raarbiyood lala rabo wado. 
Kabtan Maxamed Isaaq goortii uu tagay wasaaradda gaashaandhigga waa la handaday, waxaana lagu yiri "waryaa, waa maxay sababta aad xerada u joogtay?," kolkii uu ku jawaabay "annigu hawlgalbaan Awdheegle ugu socday, waxaan ahay abaanduule, shaqadaydi waxaa haysto gacmaha kula jira Jiniqaar oo ah taliyaha hawshiisuna tahay inuu xafiisku fariisto isagu," iyado warku intuusan dhamaysanba Kabtan Maxamed Isaaq sarkaalkii Maay lagu yiri "Us! afka isku qabo xarigbaadna tahay (Rest) kamana bixi kadhid gudaha wasaaradda gaashaandhigga."
Waxaase xusid mudan, in 2-xariglihii been beenta loola soo xiray Kabtan Cabdallihii Maayland ninkii Jiniqaar gaariguu lunsaday dulaalka ka ahaa Ismaaciil iskuna beesha ahaayeen islamarkiiba la sii dayay, dabadeed markii Jiniqaar si hoose uu ula soo hadlay taliye-kuxigeenka ciidanka Xoogga federaalka Soomaaliya Janaraal Xajaar oo ay Jiniqaar iyo Isbatoore khaa'inul waddan isku beel ay yihiin, laguna reebay hogga wiilkii Maayow-Maayga ahaa, taaso ina tusaysa markale cunsuriyadda iyo qabyaaladda qaawano kartay ee bislaatay guud ahaan shacab iyo siyaasi iyo dablay iyo saraakiilba min tin iyo cirib bulshawaynta Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland takoorta lagu hayo iyo nacabka fogaaday diirkoodu loo qabo xuqdan lagu riday aadka loo goobi yeelay markii garab la'aan garta looga eexday gefafku waawayna ay tirsanayaan.
Labadii sarkaal Maayland u dhashay oo lagu reebtay wasaaradda gaashaandhigga Muqdisha, kii reer beesha Farmaajiyo Jiniqaarna goobta laga saaray, waxaa xaruntu soo gaaray Iimaan Elman iyo Janaraal Odawaa taliyaha ciidanka Lugta Soomaaliya oo wada socda, waxaana ay labadooduba si xun ay u caayeen ku digdigleeyeen inta karoonkooda ah aflabadii daan Abaanduule Maxamed Isaaq iyo Kabtan Cabdalla oo labadooduba la soo mishimay laguna waxyeelaynayo magaca calanka buluugga qaranimada Soomaaliya, iyado Kabtan Cabdalla loo dhaadhiciyay xabsi aad u xuno urbadan qura lagu xiro kuwa qaraxyada lagu soo qabqabto Alshabaab, xabsigaaso dhiqlaha iyo injirtu joodariyaal dulufa yaal ay boqradeen, ooy naadir tahay inuu jiro haadaantaasi qof bini aadamo ku noolaan karaya, halka Kabtan Maxamed Isaaqna imikadan xabsi guri ku yahay wasaaradda gaashaandhigga federaalka Soomaaliya, oo wax kiiso lagu hayaa aanu jirin, bal ay u badan tahay inay kiisas been been ah mishimo hor leh ka dhigtaan qiil ay u raadiyaan, arrintaaso ay iskakaashanayaan taliyaha ciidanka lugta Janaraal Odawaa Yuusuf Raage oo balwaddiisu naag bis ahay tahay, ooy Iimaan Elmana tumashadu jeceshahay bahalkeedana danno kastooy leedahay diyaar uu ka yahay in lagu biiqo iyo taliye kuxigeenada ciidanka xoogga iyo midka efenteriga oo labadooduba ay Jiniqaarka dhagartan galay isku beel yihiin, siina daayeen dambiilihii saxda ahaa 2-xarigle Ismaaciilkii ku jufada ahaa dullaalkana ka ahaa gaariga Cabdi-Bilaha qaranku lahaa ee uu Jiniqaar lunsadayo lacagaystay.
Taariikh yar haddaan dib ugu noqono, hadda kahorna Kabtan Maxamed Isaaq oo sarkaal geesi dhiig leh Maayland u dhashay ah aqoon badana leh halganka iyo shaqada qaranka ka soo bilaabay taliye koox, uga sii dallacay abaanduule horin, haddana uga sii gudbay taliye horin oo in mudda ku shaqaynayay haatan ah abaanduulaha ciidanka qaybta Danab salkeedu yahay Bilidoogle, waxaa Iimaan Elman iyo Cali Cabdi raagaha jaahilka ah ku socda xoogxoogga iyo dirqiga siduu rusuulku sheegay cs (Alcacraabu Ashaddu Kufran) haystana imikadan ururka Bariire jooga xilka looga riixay kornayl Xasan Shaalle wiilkii Maayland ishiisu farta aan gelin, isna waa Cali Cabdi raaggaha reer Galmudugga ahe, mar hore uu dhacay bakhaarkii hubka qaranka federaalka Soomaaliya ay labadooduba khayaanaday isla ogaayeen uu ku wehliyay taliyaha efehteriga Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, oo hubkaasi ay wada dhaceen 2 dhashiiko ka mid ah ay damceen inay dusha u saariyaan inuu dhacayo cunay Kabtan Maxamed Isaaq si dambi farsamaysan makri ah halista uu u limbado, deetana kaga faa'idaystaan booskiisi jagada uu qaranku hawsha culus ugu hayo. 
Mar labaad waxaa xusid mudan, in sharciga ciidamada u dagsan dalka federaalka Soomaaliya ee uu qorayo "sarkaal xitaa haduu dambiile uu yahay aan xabsiga la dhigi karin," daayo dulmane iyo tuhunba toona in feelashooda la seexdo sheellada, taaso markale inaga xaqabtirisay sababta Kabtan Cabdalla oon dambi lahayn, ee dambi ruux kale dalku ka galay dusha looga saaray, misna qanuunkii saraalnimada into laga booday bahdil aawadeed sheellada gaashaandhigga ku dhex taal Shabaabka arggigiixisada bis lagu xiro loogu xiray , taaso wax kalo lagu macneeyaa murankuba sad weeyee, aanu jirin, bursashada waxaan ahayn Maxagi, mooyaane, Maayow-Maayga mahadhooyinka lagu dhigayo taariikhda gala cibarka wax sheegi doona maraan dheerayn mustaqbilka dunidan haddii Alle idmo.

Weel eey galay weeye wiilkii waddankiisa walaakiisi u wayraxahayn walalacdooda waramadan afkadheerna amar Alle laakiin!!

By.Ustad Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip