Ciidanka Uganda ee AMISOM oo ay ka maqantahay $14.2Milyan oo mushaar ah

0
24 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Uganda ee AMISOM oo ay ka maqantahay $14.2Milyan oo mushaar ah

    Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegtay in Ciidankooda jooga Soomaaliya ay ka maqantahay lacag gaareysa $14.2Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegtay in Ciidankooda jooga Soomaaliya ay ka maqantahay lacag gaareysa $14.2Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa lagu sheegay in ay tahay mushaarka 7 bilood oo aan la bixin, Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa baahiyay warbixintan waxaana uu sheegay in Ciidamada aysan mushaarkooda helin 7 dii bilood ee ugu dambeysay.

2,450 Askari oo ka mid ah Ciidanka Uganda islamarkaana Decembartii la soo dhaafay ka baxay Soomaaliya ayaan heysan mushaarkooda  waxaana askarigiiba uu bishii Gunno ahaan u qaataa $728 doollar.

Lacagtaa oo Beesha Caalamka u mariso Midowga Afrika ayaa la sheegay in Midowga Afrika uu u gudbiyay dowladda Uganda, dowladda Uganda ku shubtay Bandhiga dhexe ee dalkaas kaas oo askarta ugu shuba akoonnadooda u gaarka ah.

Mid ka mid ah Askarta uu mushaarka ka maqanyahay walaalkiis ayaa warbaahinta New Vision u sheegay in walaalkiis uusan mushaar qaadan muddo todobo bilood ah.

Warbaahinta Uganda aya ala xiriirtay Afhayeenka Ciidanka Dowladda Uganda Rechard Karemire,waxaana uu afhayeenku xaqiijiyay in mushaarkaasi maqanyahay.

Afhayeenku ma sheegin sababta uu mushaarka uga maqanyahay Askarta hayeeshee waxaa uu askarta ugu baaqay in ay dul qaad muujiyaan.

Waxaa uu sheegay in Askarta qaar ay heleen amaah ay dib isaga bixinayaan laba bilood kaddibna loo sheegay in lacagtooda la siinayo,laakiin ehellada askarta ayaa sheegay in muddo shan bil ah ay ka soo wareegtay xilligaas walina maqantahay lacagtii Mushaarka Ciidankooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip