Faah Faahin: Agaasime ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo la xiray

0
27 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Agaasime ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo la xiray

    Ciidamada Amniga ayaa maanta gudaha Xarunta Gobolka Banaadir ka xiray Agaasime kuxigeenka Waaxda Shaqada Gobolka Banaadur, kana mid ahaa Guddiga qaban qaabada xaflada xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Amniga ayaa maanta gudaha Xarunta Gobolka Banaadir ka xiray Agaasime kuxigeenka Waaxda Shaqada Gobolka Banaadur, kana mid ahaa Guddiga qaban qaabada xaflada xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.
Sida wararku sheegayaan Ciidamo uu horkacayay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John ayaa la sheegay in ninkan kala baxeen shir uu ku jiray, waxaana markii hore dood ka dhalatay xiritaankiisa iyo qaabkii loo maray, maadaama xilliga Ciidamada amniga la baxayeen uu shir kula jiray Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir.

Lama oga illaa iyo hada sababta loo xiray Agaasime kuxigeenkan iyo in falka lagu xiray ay la xiriirto qaraxii bil ka hor ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, kaasoo uu ku geeriyooday Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow.


Hey’addaha Ammaanka ayaa si rasmi ah u soo gabagabeyn baaritaanka qaraxii xarunta Gobolka Banaadir ka dhacay 24-kii bishii July, waxaana u xiran dad kala duwan, iyadoo dhowaan Wasaaradda Amniga warbixin hordhac ah ka soo saartay qaraxaas.

Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda howlo lagu xaqiijinayo amnigeeda, lana filayo in is bedel lagu sameeyo Ciidamada gacanta ku haya amnigeeda, waxaana maalinta berri oo Talaado ah la filaya ainuu si rasmi ah xilka ula wareego Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip