Dad diidan Ahlusunna oo la sheegay inay ku sugan yihiin Dhuusamareeb

0
30 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad diidan Ahlusunna oo la sheegay inay ku sugan yihiin Dhuusamareeb

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada kusoo kordhay Magaada Dhuusamareeb iyo howlaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaannada Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada kusoo kordhay Magaada Dhuusamareeb iyo howlaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaannada Galmudug.

Waxaa uu sheegay siyaasiga in Magalada Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin dad qaba dareen diidan Ahlsunna,hayeeshee uu sheegay in Madaxda Ahlusunna ay horay uga digeen inaysan ku abaal dhicin Madaxweynaha Galmudug oo  tegay Dhuusamareeb, kadib markii uu ka guuray Magalada Cadaado.

"Waxaa jira dad badan oo reer Galmudug ah, gaar ahaan reer Dhuusamarreeb oo qaba dareen Ahlusunna diid ah, waa dood la qabi karo, waxayse dadkaasi diidi karin in Ahlusunna ay deegaanka nabadeeyeen, Shabaabna ka daafaceen. horay ayaan Ahlusunna uga dignay in aysan Xaaf ka abaal dhicin ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuurā€¯.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in mar uu uu booqasho ku tegay deegaano ka tirsan Galmudug uu safar sinabad ah ugu soo maray 600km, isla markaana  uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in Amni darrada ka jirta Muqdisho aysan u rarin deegaannada Maamulka Galmudug.

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta dhaliilsan siyaasada ay ku Shaqeyso dowladda Federaalka,waxaana uu ka horyimaadaa tallaabo kasta oo ay qaado dowladda Federaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip