SIRAHA MILATARIGA SAGAGARAN SARAAKIISHA IYO CIIDANKA MAAYLAND KA HAYSTA XAFIISKA TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA FEDERAALKA SOOMAALIYA LAAKIIN!!

0
30 August, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIRAHA MILATARIGA SAGAGARAN SARAAKIISHA IYO CIIDANKA MAAYLAND KA HAYSTA XAFIISKA TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA FEDERAALKA SOOMAALIYA LAAKIIN!!

    Manaabiirta si aynu idiin kugu sheegno mashaqada ka dhex taagtaagan xafiiska taliska ciidanka xoogga oo sida runta ah dhan u iilan dhaca iyo kufsiga dhiigga dadka webiyadu magaca qaranka calanka buluugga lagu warjeefayo dadyowga lagu soo duulay, waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manaabiirta si aynu idiin kugu sheegno mashaqada ka dhex taagtaagan xafiiska taliska ciidanka xoogga oo sida runta ah dhan u iilan dhaca iyo kufsiga dhiigga dadka webiyadu magaca qaranka calanka buluugga lagu warjeefayo dadyowga lagu soo duulay, waxaan mar afaraad qormadan aynu idin kugu soo gudbin doonaa siraha sagagaran milatariga saraakiisha iyo ciidanka Maayland ka haysta xafiiska ciidanka xoogga dalka federaalka Soomaaliya, oo uu waayahanba musuqu hareeyay iyo qabyaaladda qaawan ee ka baxsan haykalka habdhaqanka nidaamka dowlladnimada toosan.

5-ta golaha sare oo ku taal laamiga qarkii iridda xarunta Lafoole waxaa yaal isbaaro aad u wayn maamul ku sheegga Koonfureed Tiimka Reedow Reedow Mudane Cabdicsiis Laftagareen Karasaay uu hoggaamiyo sharciyadda uu siisyay, isbaaradaasi waxaa haysta nin gacantu ka go'antahay ku beel ah madaxwaynihii hore federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud (Xasan Safarow), kaaso darajadiisu ahayd dable dhowaan iibsaday isbatoorenimo kana tirsan guutada 2-aad ciidanka xoogga fadhigeedu yahay xerada Hiilwayne, taaso ka hawlgasha gobolka Shabeellaha-Dhexe maamulka Hirshabelle, guutadaaaso iyana awal taliye uu ka ahaan jiray nin dhintay lagu magacaabi jiray Cali Guure darajadiisu ahayd gaashaanle sare beeshiisu tahay Galmudug jufada qabqable janaraal Caydiid, haatana uu taliye ka yahay nin isna u dhashay beesha Xasan Safarow darajadiisuna tahay gaashaanle sare.


Isbaaradaasi Shanta Golaha Sare degmada Lafoole gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, waxaa baabuurta ka imanaysa dhanka degmada Afgooye JBM caasigii qudaarta wada laga qaadaa 300 kuno Shilinka Soomaaliga, halka gaariga rakaabka ah isla BL-ka laga qaado 100-kun Shilinka Soomaaliga ah, lacagahaasi baadda ah oo gacanta loo geliyo faraqana loogu shubo isbatooraha gacanta midigta ah ay ka go'antahay goobtaasi xoogga ku haysta ee u dhashay beesha Mudane Xasan Shiikh Maxamuud Safarow.
Sido kale, isbaaradaasi oo ah mid inta badan la soo weeraro cimil, ama kamiin lagu soo camimiyo, waxaa si isdabajoog ah u yimaada rag hubaysan dool ah ka yimid Shabeellada-Dhexe ilaa Galguduud qoryahooda wata oo habeen-jiifkii ay goobta joogaan isbaarada laga siiyo 500-kun Shilin Soomaali iyo marduufkooga jaadka ah, taaso ina tusaysa sida waddadaasi dad aanay lahayn dhoombirka afkii wata ummadda dalka u dhalatay ay ugu dhibaataynayaan, kuwaaso mudan siday diinteenuba nagu tiri, in la iska caabbiyo.
Baar Ismaaciil oo ah afaafka degmada Afgooye kolkaad Muqdisho ka timaaddid, waxaa ku yaal isbaaro dhib u joog ah, taaso lagu saxariiriyo gaawirada ku socota gobollada balaaran ee Maayland, waxaa goobtaasi qaadducudariiqnimada ah haysta taliyaha saldhigga bilayska Afgooye ninka lagu magacaabo Nuur Xayir oo Galmudug u dhshay Jufada Caydiidkii sida xun u rawaxay, taaso hadda kahor ay wax ka joogeen askar dhallinyaro Maayland u dhashay aad dhiig u leh, goortii ay ka gadoodeen dhibaataynta dadkooda socotada ah baabuurta saaran lagu hayo dhiidhintooda daraaddeed, waa la dilay.
Halyey Aadan Geedow waxaa lagu dilay Ceelasha-Biyaha degmada gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, halka qofba meesha uu ka jilicsan yahay bay ka soo galaane, Mudane Dishibiliin-na gudaha Afgooye gabadh lagula mishimay, taasoona aakhirkii gacanteeda ugu dhamaysay tii loo diray, mishimadaaso uu ka dambeeyay taliyaha saldhigga bilayska Afgooye Nuur Xayir, waxaana khaarajintaasi Nuur Xayir inuu isagu ka dambeeyay daliil kuugu filan, in kuwii mishinka askartaasi Maayga ku fulisay soo qabasho iskaba dhaafe, xitaa dabagal aan lagu samaynin, iyado Mudane Aadan Geedow uu ka tirsanaa Ururka taliyaha uu ka yahay Liibaan Dhamaaq, ama Liibaan Goobaanle u dhashay Galmudug oo ka tirsan guutada 3-aad isku dhaririday min Baraawe ilaa Laantabuuro, taaso ee uu haysto isna Janaraal Laba-Afle oo u dhashay isla beesha Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado, halka Mudane Dishibiliin uu ka tirsanaa isna ururka 2-aad ee uu haysto Liibaan Madaxwaynaha darajadiisu tahay gaashaanle sare u dhashay beesha Galmudug, kana tirsan guutada 7-aad ee uu hoggaaminayo Xasan Jaamici oo isna u dhashay isla Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado, kaaso darajadiisu tahay gaashaanle sare, waxaana askarigan geesiga ah ishiisu aanay birti gelin birjeexa (Dishibiliin) loogu baxshay, inuu dhaca iyo sharcidarado idil kala dagaali jiray kuwa boobka iyo bilaa sharciga gobolka ka wada, taasoona aakhirkii keentay in madaxa laga kawiyo.
Guud ahaan min Afgooye ilaa Daafeet amniga waxaa u xilsaaran guutada 7-aad sharciyan hoos timaadda qaybta 60-maad, afaafka degmada Wanlawayn gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland shirkadaha tilifoonada Hormuud iyo Nation, waxaa yaal isbaaro aad u mugwayn, taasoo iyana si bini aadamnimo ka baxa loogu dhibaateeyo dadyowga ku socda gobollada Baay ilaa xuduudda Itoobiya.
Tusaale-gaariga Noohada ah rakaabku saaran yahay, marka la joojiyo isbaarada, qolyaha mooryaanti tuutaha dowlladda wata Reer Galmuduggi, waxay eegtaan gabadha Maayga ifisay gaariga dul saaran rakaabka ka midka ah, waxaana goortii ay arkoodaan dumarka yara nuuraya, baabuurko taagan ay qaataan mootooyin tubaaliyaan kaga hormaraanooy u fariistaan halka loo yaqaan Iidow-Jallaato, oo ah dhul kayn wayn balaaran leh, taaso u dhaxaysa Yaaq-Bariwayne iyo Leego, waxaana gaariga rakaabka ah kolkuu yimaado joojin dabadeed, ay kala dagaan gabdhaha ooy juqdaasi ku kufsadaan fayl intay saaraan haweenkii oo tabcaan ah dhiiggu boqna gogleeyay ay kaga tagaan nolol iyo geeriba.
Mishaakilka kalana horyaal saraakiisha iyo ciidanka milatariga Maayland haddaynu aayer daboolka uga faydno si dhibaatada meesha ka jirta ay kuu gabowdhacdo, ururka 4-aad ciidanka Danab fadhigiisu yahay garoonka wayn ee dayuuradaha Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland ee uu haysto Jiniqaarka u dhashay Puntland ahna gaashaanle ku beel ah guud ahaan beesha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaa ururkaasi 2-meelood hal meel ka badan ciidanku yahay Maayland iyo beesha Xasan Safarow, kaalinta 2-aad oo ah beesha reer Ceelgaal Hiiraan iyo Galmudug, halka kaalinta saddaxaad uu soo galayo beesha guud Farmaajo.
Runtii ciidankaasi Jiniqaar uu haysto, askarta beeshiisa ka soo jeedda kama badna macala isaga 20 ruux, dablahoodu sida janan ayuu wax u amraa, halka jananka Maayguna wax amar ah aan laga qaadanayn haba yaraatee isquuska jira aawadeed, iyado haddii wax yar taagtaag ah ay dareemaan ciidankaasi kuwa reer boqor ay wacdaan Garoowe iyo Villa Somalia, islamarkiina laga soo canaananayo taliyaha ooy waxay doonaan samaynayaan, taaso ay u sii dheertahay in ciidamadaasi aynu xusnay wax hawlgal ah aysan aadin xerada iyo baladkoodu iska gala, sida qaarkood inay iska aadaan deegaanadooda Puntland gobolladooda iyago joogana lacagta mushaarku ay koontadoodu ugu soo dhacdo cid ka hadlaysaana aanay jirin caddaaladarada heerkaasi gaadhay, halka askarta kale Maayland u dhalatayna dabka lagu shubayo qaraxyada iyo dagaallada jiidaha hore sida Awdheegle, Bariire, Sabiid, Caanoole I.W.M.
Haddaad dhididaysid dhaawacmaysido dhimanaysid, haddana dheefta ruux iska raaxaysanaya waxba aan qaban dhuuqayo waa dhibteeda, ciidamada Maayland ku jira milatariga Soomaaliya sidaa dabka loogu shubayo, misna garaaddooyinku waa lagala diriraa, oo cunsuriyad xun baa lagu hayaa, waxaana tusaale kuugu filan si waramada qarsoon aynu u aragno afafkoodu halka ay ku walalac leeyihiin iyo cidda.
Ayaan dhowayd ururada kala duduwan dagaalka ku jira furimaha jooga ciidanka milatariga, ayaa waxay soo gudbiyeen liis (federation) iskudhaf-dallacaad-doon ah, waxaana liiskaasi kolkuu inuu federeeshan yahay la arkay ooy Maaygu ku jiraan la geliyay miiska hoostiisi, waxaana Jiniqaar 19-ka askartii ku beesha ahayd uu warqad dallacaad ah kaga faa'idaystay Janaraal Indhaqarshe ku beel ah Fahad Yaasiin maalmihii uu maqnaa, oo nin janan ah kuxigeenkiisa la yiraahdo Janaraal Xajaar ku beel ah Jiniqaar dallacaadda askarta ku beesha ah Jiniqaar uu soo qoray u boobsiiyay qalinku ugu duugay.
Haddaynu sharaxaad kooban ka dhiibno arrinta dallacaadda, waxaa darajada isbatoore iyo wixii ka hooseeya dallacaadda bixin kara taliyaha ciidanka xoogga, halka darajada isbatoore wixii ka kareeyana uu baxsho madaxwaynaha dalka, inkastoo wixii xiddigba loo gaaraa sharciyan ay tahay in baarlamaanka federaalka Soomaaliya la horgeeyoy ansixiyaan, balse Jiniqaar iyo Janaraal Xajaar kolkii beel ahaan dallacaadda askartooda ugu boobsiisteen, waxaa dhanka darajooyinka sarana qalinka ku jiiday madaxwayne Farmaajo kadib goortii uu arkay liisku inay beeshiisu wada tahay askarta la dallacsiinayo.
Saacaddan aynu joogno waxaa inta la ogyahay lugta lugta loogu hayaa 5 sarkaal oo kale u dhalatay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, kuwaaso ka tirsan ciidanka Xoogga federaalka Soomaaliya, waxaana saraakiishaasi taagtaagga lagu hayo mid iyo labo haddaynu ka soo qaadano ka mid ah sida-Cali Maqaar oo ah xiddigle aad u dhiig badan geesi ah balaayo ka dhacday sankuneefle aanu handadi karin, kaaso ka tirsan guutada 7-aad horinteeda taliska iyo sarkaalka la yiraahdo Isaaq Gaab darajadiisu tahay isna xiddigle iyado dhamme kabtan Isaaq Mukhtaarna haysta horinta taliska guutada 7-aad aad loo buusay walina la dhibaataynayo.
Xiddigle Cali Maqaar mushaarkiisi mishqaayadda xiddigtiisi lacag ahaan waxaa ka qaata taliyaha guutada 7-aad Xasan Jaamici wiilka reer Galmudugi, waxaana 2-dii biloodo u dambeeyay loo diiday mushqaayaddiisi xaq ahaan mushaharkuu ku qaadan lahaa xiddigta uu wato, halka sarkaalka dhamacda ah Isaaq Mukhtaar xiddigtiisi iyo macala lambarkeeda Xasan Jaamici uu siiyay nin isaga ku beel ah imikadan jooga Xera-Shiino oo ku taalla iridda garoonka wayn ee Bilidoogle qayaastii masaafa u jidha 3 ilaa 4 KM, iyada oo Kabtan Isaaq Mukhtaarka haysta horinta taliska guutada 7-aadna into la buusay, oo isbaaro yaro Xera-Shiino horteed ciidanka u tiil shaah shaah isaga helayeen Xasan Jaamici uu ka kansalay burburiyayna horintii dhamayd, bacdama horintaasi ay u badnaayeen ciidamo Maayland asalkooda ka soo jeeda .
Dhibaatooyinka jiiriwaaga wali ku horgudboon saraakiisha iyo ciidanka milatariga Maayland ee ku jira dowlladda dhexe sido kale waxaa qayb ka ah, in Xasan Jaamici ciidamo badan ciddiisu Galmudug ka keenay waligood nasta iyo digtoonow soo marin tuutaha lagu ciriiriyay lambarada askarta Maayga intuu ka qaaday kuwa beeshiisa aanay sharciga ku iman u diiwaan geliyayo ku mushaar qaataan, iyado dhanka dhaqaalaha haddaynu yara milicsanana ugu yaraan 30-ka booyadood shidaalka wada garooonka diyaaradaha Bilidoogle gala bishii calaa booyad sida ta gaaska wadda uu ka qaato 1'000 kun Doollarka Mareykanka, lacagtaasi baadda xaaraanta ah deegaanka laga qaadayo ooy qaybsadaan Xasan Jaamici taliyaha guutada 7-aad, Ina Mire taliyaha ururka 54-aad uunku ku dhibaateeyo aagga Wasama-Xun nawaaxiga Bilidoogle, Nuur Xayir taliyaha saldhigga Afgooye iyo Liibaan Madaxwaynaha xoogga ku haysta degmada Afgooye oo dhamaantood beesha Galmudug u dhashay, xoolahaasi la uruurshayo la qaybsado badankood dib loogu aafaynayo gobollada Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland oo sida xaqiiqda ah in ka badan 60 sanadood dulligu saaqay gumaystaha guduhu heeryadiisu culayska badani ay saaran tahay cawo iyo dharaarba, taaso wali loo la'yahay kuray dhiifoono, intay dhirfaan, dhoomo buuxsadaan, guntiga dhiisha isaga dhigaan, u dhaqaaqaan dhul dhacsigu, dhimasho caadaysta, ileen geesi waa kii u dhinta dhulkiisee.
Maadaama ay soo sundaacday halisteeda wuxu waxay mugdigu ku walaaqayeen dalkuna la rogmaday qolyahan qabyaalladda qaawan sida asnaamta u caabuda ku fadhiya kursaasta sare ee waddanka, si aynu gooladaha milatariga isbuuska daahsoon ka jira wax uga ogaano saraaxad dhamaystiran leh beeni inaba aanay ku jirin, waxaa taliyaha ururka 4-aad Danab-ta fadhida madaarka wayn Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland ninka lagu magacaabo Jiniqaar darajadiisu tahay gaashaanle una dhashay beelaha Puntland, ama beesha guud ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ururkiiso 2-meelood ciidanka hal meel wax ka badan ay yihiin Maayland iyo beesha Xasan Safarow, halka kaalinta labaad ay soo geleyaan Ceelgaal reer Hiiraan iyo Galmudug, iyado inta kalana ay yihiin beesha guud ee madaxwayne Farmaajo, ee guud ahaan ciidanka beesha Jiniqaarku ka dhashay marka isaga lagu daro 20-ka ruux ah, waxaa dablahoodu uu amar u bixinayaa sidii janaraal oo kale, halka janaraalka Maayland haba yaraatee cid ka amarqaadanaysaa aanay jirin isquuska iyo kibirka lagu soo habay waxaan Maayow-Maayga ahayn, waxa loogu yeero kuwa Maxagi, gaar ahaan qolyaha reer boqoraan nahay yiri, waxaana geesta kale xusid mudan in askarta ku beesha ah Jiniqaar aysan marnaba aadin hawlgallada ciidanka ka soconaya gobolka, iyago iska jooga xerada iskana gala baladkooda, halka qaarkoodna deegaanadoodi ay awal ka yimaadeen sida Puntland iska joogaanooy guryahooda mushaarkana bartaa loogu diro lacagtu ugu soo dhacayso, taaso dhamaanteena ina tusaysa caddaallad-darida durugtay ee ka jidha dalkan dagaalku jeexjeexay malaha inkaartu fursad ku heshay dubbaha dabadawayn ee baquujiyay garsoorkii iyo saami wax u qaybsashadii lumiyay halbeeggii dhaqandhaqankii suubanaa ee xaqa iyo xaqsoorka siday diintu nagu tiri.
Maraan dheerayn dhamaan ururada ciidamada xoogga hawlgallada ku jira waxaa ay soo gudbiyeen liis (federation) iskudhaf dallacaad-doon ah, kolkii la arkay ciidamadu inay Maayland xoogoho ku jiraan miiska hoostiisi ayaa la gelshay liiskii federeeshanka laguna hilmaama teeriyo haatan joogadeenan wax iswarsadaa lama arago sheegin,mashaqada qarsoon haddaynu isha la raacraacno ka dhex aloosan xafiiska taliska ciidanka xoogga milatariga dalka federaalka Soomaaliya iyo cibarka iyo yaabkan qabsaday saraakiisha iyo ciidanka Maayland takoorta takarteedu muuqato, uu taliyaha ciidanka Danab urur 4-aadka fadhiya garoonka wayn dayuuradaha ee Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland gaashaanle jiniqaar uu 19-ka askarta beeshiisi intuu liis hoos ka gudbiyay magacyadooda maalmihii uu maqnaa taliyaha ciidanka xoogga Janaraal Indhaqarshe ku beesha ah Fahad Yaasiin, ninka taliye kuxigeenka xoogga ah xafiiska fadhiya Janaraal Xajaar iskuna beesha yihiin Jiniqaar uga faa'idaysteen fursadda askartii isku beesha ahaayeen dallacaadahooga loo boobsiiyay, halka dhanka sraakiishuna madaxwayne Farmaajo goortii liiska loo gudbiyay uu arkay magacyado dhami inay beesha guud wada yihiin isna, qalinku ku jiiday dallacaadda saraakiisha reer boqor.
Sharciyan arrimaha dallacsiinta ciidanka iyo saraakiisha, isbatoore wixii ka hooseeya waxaa dallacaadda bixin kara taliyaha ciidanka xoogga dalka, halka isbatoore wixii ka koreeyana dallacaaduhu uu dhiibi karayo madaxwaynaha qaranka sare, iyado balse, dallacsiinta xiddiguhu goorta la bixinayo ay tahay, in baarlamanka federaalka Soomaaliya la horgeeyoy ansixiyaan, taasoonse haatan aanay ka muuqan habdhaqanka sawirka sagagaran ee ka soo baxaaya xarunta Villa Somalia oo duul habaaran inkaartii rusuulku ku dhacday qabyaaladda sida Lata iyo Manaat cusa ay caabudaanoy wax waliba ay ka horumariyaan taa qab-ka iyo-iilka ah.
Mareykanka oo aad u qalabeeyay ciidanka Danab fadhiya garoonka Bilidoogle, waxaa ururkaasi ka hawalgala aagga Awdheegle taliye Jiniqaar uu ka soo ceshtay 10-kii BKM ciidanku ay dhufaysadu kula jireen sifo askarta qaranka loo laayo, iyado 2-da BKM ururku lahaa xeradu oolaa isugaynta 12-kooduba uu gaystay gurigiisi ku yaal jidka Sayidka, ama nawaaxiga Baar-Bulsho ee caasimadda Soomaaliya Muqdisho, halkii hubkaasi uu dhigilahaa istoorka qaranka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagu kaydiyo, iyado sido kalana 5 gawaarida gaashaaman ah nuuca Cabdi-Billiyaasha loo yaqaan min hal Dhashiike saaran yahay uu isla hooygiisu dhigtay, kuna lartay 2 Cabdi-Bille rasaasta qaranka nuucyadeeda kala duwan ka buuxaan oo dabool banaan ah shiraacyadu korka uu ka saaray una dhiibay furayaasha gawaaridaasi gaashaaman xeryahooda loo diiday xaaskiisi da'da yar, gabadha cad qayaastii 18-19 jirka meel dhexaadka lagu tiriyo kuway Soomaalidu ugu yeedho "qalanjada," isku beeshu ay yihiin kana keensaday Puntland, sababta uu hubka intaa la eg iyo baabuurta qaranku leeyahay uusan xeryaha iyo meelihii loogu talagalay u gayn ee uu u dhigtay gurigiisu ay tahay, in barikasaadambe haddii xilka laga xayuubiyo uu doonayo inuu ku guuro hantida qaranka ummaddu ka dhaxayso, taaso ay tahay caqligii dalfoofay duuflaalnimada lagu yiqiin qolyahan xukunka Soomaaliya isku badbaddala jad iyo jeer qudhooda in meeshuba ay iyaku iska leeyihiin Soomaalida kale waxba aanay la lahayn rumaysan, aaminsanyihiina inay mulkugoodu tahay filada qudhoodu iska leeyihiin.
Imikadan guriga Jiniqaar waxaa ku nool ugu yaraan 50 ruux isku beel ay yihiin ;aga keenay Puntland, kuwaaso lagu biilo quudiyo lacagta iidaanka Jiniqaar loogu soo dhiibo ciidanka qaranka ee uu dhexda kala baxo, waxaana xusid mudan, in Jiniqaar Cabdi-Billihii qaranku lahaa ee intuu isagu gatay ku nabayo mishimay sarkaalkii Maayland kartida lahaa Kabtan Cabdallaha haatan xabsiga xun ku jira, ay ciidanka qaranka Cabdi-Bilahaasi dhowaan ku soo qabteen garaash ku yaal Tabakaayo-Madoow degmada Madiina ee magaalada Muqdisho, kaaso isla goortii la keenayba gurigiisu uu dhigtay furuhuna u dhiibtay naagtiisa dhoocisha ah meelaha qaaqaayirta.
Habeen dhexdaasi ah Jiniqaar waxaa uu xaaskiisu ku amray Cabdi-Bilihii qaranku lahaa dhowaan garaashka Madiina ku yaal lagu soo qabtay in furihiisu ku wareejiyo 2-xiddigle Jaamac Furux oo u dhashay beesha Galmudug aabbihiina ka mid ahaan jiray qabqablayaasha magaalada Muqdsiho haystana xeryaha Damaanyo tuutaha askarta dowlladda loogu toli jiray xiligii kacaankii Afwaynihii afka ciidda loo daray sanaddii 1991-kii, kadib kolkii uu xukunku dadku wada leeyihiin isku giijiyay, waxaana 2-Xiddigle Furux uu Cabdi-Bilihii la aaday Suuqa-Xoolaha oo aan ognahay inaysan sida Madiino kale nabad u ahayn, oo 2 Cabdi-Bile ciidan buuxbuuxa xitaa ay adag tahay inay sahal ku aadaanoy meeshaasi lagu kawiyo askarta dowlladda kuna lugayn karaynin eeriyadaasi Shabaabku dhooban yihiin.
Maadaama Cabdi-Biluhu GBS uu ku xirnaa, waxaa ciidamada Mareynku ay soo waceen taliyaha ciidanka Danab Kismaanyo gobolka Jubbada-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, kaaso darajadiisu tahay gaashaanle dhexe una dhashay beesha guud ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna ku yiraahdeen taliyihii "waa maxay gaarigan kalidii jooga aagga halista ka baxsan xadkii loogu talagalay inuu joogo?," islamarkiina waxaa dhaqaaqay taliyaha ciidamo xooggan ee uu wato, waxaana gaarigii oo xiligaasi la kala gadan rabo ay ku soo qabteen goobtii Suuqa-Xoolaha Muqdisho, iyado 2-Xidigle Jaamac Furuxna waxba aan la oran haatan uu baladkiisu iska laydhsanayo, bacdama uusan u dhalan Maayland kana dambeeyo taliye Jiniqaar oo hadhow, xitaa hadduu ciriiri geli maago uu soo furdaaminayo, waana taa caddaallad-daradi darandooriyaysa daba joogta waa walbo qarxaba dadyowga kulaala dhulka webiyada iskana leh burwaaqada dul iyo doxba lagu manaystay, balse wali ka baahan oo musiibooyinka gacankusamayska ah lagu salliday.
Jiniqaar waa uu iska laaluushaa saraakiisha, si uu isaga laaluusho taliyaasha sare, waagii hore dowlladdii Xasan Shiikh Maxamuud Safarow mushaarka ciidanka waxaa lagu bixin jiray waxa loo yaqaan (Fooliyo-Baago), oo sarkaalka xilka haye ciidankuu xukumo hadday horin ka goosato xitaa, horintaasi maqan lacagteeda faraqaa loogu shubi jiray, sidaasuuna Jiniqaar kistooda uu ku siin jiray qolyaha isaga ka sareeysa kolka ay arkaan qaladkiisa damcaan inay xilka ka qaadaan, balse maanta jawigu waa uu isbaddalayo mushaaraadka ciidanka waxaa loo baddalay (Account), oo askariga bishu kolkay dhamaato isaga account-kiisay toos ugu soo dhacdaa, taaso la macna ah, in xiligan jananadu ay baahanyihiin, oo uu jananku mushaharkiisi bis ah uu helo dhaadhac kale aanu jirin, waana sababta keenaysa in Jiniqaar uu gawaarida iyo hubka hantida qaranku leeyahay uu suuq madow ku xaraashto, si uu qayb noloshiisu raaxada sare ugu dabbarto, qaybna madaxda sarsare isaga laaluusho sifo aan xilka looga xayuubin.
Marka aad Muqdisho ka soo gashid ilinka degmada Wanlawayn gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland shirkadaha tilifoonada qaar arggaggixisada naasnuujiya Hormuud iyo Nation agtooda, waxaa yaala isbaaro wayn nafta loogu keeno muwaadiniinta socotada iyo gawaarida ku socda gobollada dalka Baay iyo wixii ka shisheeya xuduudda Itoobiya, waxaana jidgooyadaasi lacagaha fooqul-caqliga ah laga helo qaata Xasan Jaamici oo haysta guutada 7-aad ciidanka xoogga min Afgooye ilaa jiidda Daafeet fadhida, maadaama ay mooryaantiisu maamulato isbaarada aan shaqo ku lahayn dadyowga deegaanka iska leh eena daggan.
Labadaraale, qaska iyo fawdada ka taagan habeen iyo maalinba Daafeet, waxaa degmadaasi ka wada mooryaanta reer Galmudugga meesha magaca dowlladda tuutaha lagu soo daabulay, oo wajiyo badano kala gaddisan ay ku dhammaynayaan bulshada deegaanka, mar wajiga calanka qaranimada Soomaaliya, mar ka Alshabaabnimada intay gafuurku soo duubtaan dhiigga ummadda aslaya, marna ka ganacsiga, maxaa yeelay magaalada Wanlawayn beecmushtarka kale kolkaynu ka soo tagno, waxaa qaadka keena naag u dhalatay Galmudug, iyada oo ganacsatada deegaanka u dhashay qaadwolayaasha ah qaadkoodu lagu xanibo isbaarooyinka afaafka Afgooye sida Baar-Ismaaciil iyo, inta ka naagta reer Galmuduggi laga iibsanayo kaga dhamaanayo gudaha baladka aynu kor ku soo xusnay, taaso mar labaad iyo mar saddexaadba ina tusaysa qoomkan Maayland sida dhan waliba looga soo kubaareeyay, mudan yihiina inay kolkan xaniinyo kuuskuusan iska raadshaanoy "yac," iska yiraahdaan ardaashan doolka xaaraanta iyo xalaasha isugu mid tahay dilkoodu banaanyahay caadaystay inay qubaan dhiigga bini-aadamku.
Bahdilka yaal Albaqrallaahi xildhibaanada iyo siyaasiyinta Jamhuuriyadda Maayland ka soojeeda ku jira shirkadda kalaabka dowlladda Soomaaliya Villa Qashinta laga maamulo, day aadna u damood, wasiirka gaashaandhigga federaalka Soomaaliya oo ah nin u dhashay Maayland lagu magacaabo Xasan Amardambe looguna naanayso (Amar-Dameer) huudhey kambala Ugunda ku gadi jiray ciidan iyo waxba aan ka ogayn, waxaa isagoo wasiirkii gaashaandhigga dhammaa ee Soomaaliya ah loo diiday gaadiidka ilaaladiisu uu ku qaato, istaafkiiso qaybta 60-maad fadhida Baydhabo looga keenay dhawr wiilal tira yar ilaala u ah,ee uu yaaban yahay, janaraal odawaa u dhashay beesha Xasan Safarow oo ahaa taliyaha ciidanka lugta, haatana haysta taliska xoogga militariga federaalka Soomaaliya, uu hal Cabdi-Bile jug ah janaxdayo qanax ah laga keenay Mahaddaay iyo dhulkaasi ku sadaqaystay, taaso imikadan uu ku socdo ooy ilaaladiisuna xitaa aanay haysan tuute isku toosan mushaar ahaana ay qaataan isla 100-kii Doollar bes ah ciidanka xoogga qaybta 60-maad Ingiriisku u qoray, iidaan iyo saabuun warkooda iskaba daayo gunnooyinkii la sheegi jirayna abaddan.
Wasiir Amar-Dameer kursiga lagu fariisyay aanu aqoontiisu iyo kartidiisu lahayn, waxaa wasaaradda gaashandhigga si toos ah u maamusha wasiirka 1-aad Mudane Xasan Cali Kheyre, iyado imikadan ay banaan yihiin xilalka taliyaasha sida ka ciidanka lugta iyo ka taliye kuxigeenka xoogga dalka, ahaydna inuu wasiirka gaashaandhiggu jananadu u magacaabo, runtiina labadaasi xil halbeeg ahaan, tahay in sarkaal Maayland u magacdhabo, la sugi maayose, kaliye Amar-Dameer waxaa uu ku filan yahay ay tahay, halkii fadhi in 2 saxan oo bariiso balbalaaran inuu faarujiyo kaligiisa, maadaama uu aad u cuna jecel yahay, iyado geesta kalana uu ku roon yahay, kolka dadkiisu Maayland ay gurigiisa Tiyaatarka ka agdhow yimaadaanoy soo booqdaan, si ay ula kulmaan jawaabta uu siinayo ay tahay, inuu gudaha ka soo yiraahdo "ma joogo, ama wuu hurdaa, dhaha."
Gudoonka baarlamanka Maxamed Mursal Shiikh Waliinji isna inkaarta samada laga soo riday qab ku tiri adinko ka dharagsan, istaaf ahaan wuxuu wataa hal gaari oo (Bullet-Prove) ah, ilaaladiisu qoryaha ay wataan waxaa ugu rakiban min hal qasnad oo qur ah, qasnad labaad rasaas ah ma wataan, waxaaba ka roon gudoonkii hore baarlamanka federaalka Soomaaliya Proff Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo wata 2 gaari nuuca xabbadda aan karin (Bullet-Prove) aho madmadow iyo 2 Cabdi-Bille min 2 BKM Dhashiikayaal saaran yihiin oon haaf haaf ahayn ciidanku buuxbuuxaanooy ka daadaanayaan wehliyaana koofi guduud.
Janaraal Odawaa oo isago taliyaha efentariga Soomaaliya ah asbuucyo ka hor khatar ku galay aagga awdheegle, kadib kolkii oday waayeel ah duluf iska soo dhigay dhahaaya "Odawaa igaarkaygaan rabaa inaan arko ii geeya," u soo dhowaanshiyihii uu u soo dhowaadayba isku qarxiyay, ayna xigeen 2 gaari oo kale qaraxyo is-xigxigay caradu olashay, deetana siday yeeli jireen Shabaabku rasaaska oodda kaga soo rogeen kuna dhinta askar Maayland ah, xitaa gudoomiye Waliinji iyo saaxiibkiisi shaarbawayne Jabuuti isku dhaafdhaafeen, umaysan tacsidayn ciidankaasi, inay daweeyaan dhaawacyada iska daayo, waana sidaa kuwa kuraasta sare ee waddanka shacabwaynaha ugu fadhiya laga yaabe in qaarkeenu ay ka sugayaan nabad iyo xasillooni waarta, may, ma dhici kadho, waayo siiqadaaba khaldan.
Gudoomiyaha degmada Wanlawayn oo lagu magacaabo Mudane Mad Siidow waa mid aan waxna qorin waxna aqrin (B-iyo-T) toona, waa nin baabuurta ku dhaqi jiray dalalka Yemen iyo Sucuudiga, isago baaldigiisu wata iyo istiriraashooyinkiisi baabuurtu ku qalajoyo, ayuunbaa xilka guddoomiyenimada degmada loo magacaabay, iyado degmadan ay xaadir yihiin dhallinyarada ugu aqoonta iyo kartida badan lagu tiriyo gobolko idil, kaa baabuurta masixi jiray cacraabka ah Mad Siidow waxaa isbaarada iridda Daafeet dadka deegaanka aan u dhalan u taal laga siiyaa maalintii 1 malyan oo Shilinka Soomaaliga ah, waana uu ku qanacsanyahay bandarkuu jiifaa, bacdama uu baabuur-dhaqe Sucuudigu isaga ahaa waxba aan ka gelin dad iyo dal iyo diin la baabbi'inayo toona, waxaana Mad Siidow hadduu isku dayo inuu yiraahdo "lacagta maa wax yar la iigu daro?," Xasan Jaamici uu ku yiraahdaa "waryaa, adigu goormeed gaadhay heerkaasi baabur-dhaqe uunbaad ahayde, ilaalso caanaha caruurtaada, haddii kale gaari dhaqowgii ayaad dib ugu noqonaysaa," halka ninka sidaasi deegaankiisi dhexdiisa hadduu yiraahdo "waryaada naga guura eey yahay," cid isbaara dhigan kadhaa aanay jirin deegaankiisa, balse hadal raagay Maayland waxay yiraahdaan "doqon walaalkaa dhalay iyo nashuusho naagtaadan noqotay ninnimadaaday wax u dhimaan."
Doqonimada bal day ahbalkan mar kale, Mareykanka oo ka agdhow degmada Wanlawayn, ayaa waxay damceen inay dayactiraan waddada aargada dhanka waqooyi ka leexata Daafeet, taaso aad u jajabano urtay, kolkii gudoonka loo sheegay in dariiqaasi loo dhisayo degmada, Mad Siidow wuxuu yiri "lacag hala i siiyo, haddii kale la dhisi maayo jidkan," waana kaa oo kale neefka hoggaanka kuu ah ku horboodaya meel kasta, iyado mar kale ay xusid mudan tahay, in Mad Siidow aanu ka amarqaadan dowlladda ee uu si toos ah uga amarqaato ururka Alshabaab, oon ognahay in dacwadaha degmada Daafeet iyo nawaaxigeeda ay ahayd in saldhigga degmada la keeno, laguna qaado hawdkaa Baladdul-Amiin iyo wixii ka shisheeya ooy joogaan qolyaha Shabaabku, waxaana intan oo cudur ah sababtooda leh duulka aan hoos ku soo xusi doono, oo Karasaayga sharciyadda gudoomiyenimada Mad Siidow siiyay (wash-man-kan) ku eeganaya dhibtiisi ummadda iyo horumarka deegaanka ku horgudboon, waana lugooyo lugooyo kuu soo magacawday Karasaayga beenta badan madaxa ka ah Tiimka Reedow Reedowga Baydhaba fadhiya oo ku xaqiiq noqday haddiiskii nebiga cs ee uu kaga waramayay beelowga ummaddiisu aanu ka mid ahayn calaamadaha lagu yaqaan 3-ah ee kala ah 1.beenlowgii beenta badnaa, 2. kii khiyaanoolaha ahaa iyo 3.kii ballanta galayay kanna baxayay isagoon fulin, taaso rusuulkeenu suuban cs uu waxyiga samadu inoogu sheegay in "munaafiqiintu Naartu, ta u hoosaysa galayaan jirkooduna dhadhaminayo cadaab xanuun badan laxwiya lafaha iyo jirkooda intuba, munaafiqnimadaaso ku sifaysan Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Karasaay iyo Amb. Maxamed Shiikh Mursal Waliinji iyo aabbahooda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ummadda ay u laba-wajiileeyeen, ayna kow ka tahay arrinta madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo shacabwaynaha Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland.

Lanturaa'u inamaa oratu Karasaay, Waliinji wa aabbaa'ukum Farmaajo amar Alle laakiin!!

By: Ustad Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip