Khilaaf soo kala dhex-galay Imaaraadka & Yemen

0
30 August, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf soo kala dhex-galay Imaaraadka & Yemen

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay inay weerar duqeyn ah ku qaadday magaalada Cadan ee dalka Yemen, ayada oo beegsaneysa "maleeshiyo argagixiso ah" kadib markii dowladda Yemen ay sheegtay in weerarka lagu qaaday ciidamadeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay inay weerar duqeyn ah ku qaadday magaalada Cadan ee dalka Yemen, ayada oo beegsaneysa "maleeshiyo argagixiso ah" kadib markii dowladda Yemen ay sheegtay in weerarka lagu qaaday ciidamadeeda.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka ayaa maanta lagu yiri "duqeyn sidii la rabay u dhacday oo toos ah” ayaa arbacadii iyo khamiista lala beegsaday maleeshiyada.

Bayaanka Abu Dhabi ayaa intaas ku daray in maleeshiyada ay qorsheysay inay beegsato isbahaysiga Sacuudiga ee Yemen, kaasi oo Imaaraadka ay qeyb ka yihiin.

Imaaraadka Carabta waxay sheegeen inay qaadeen "tallaabo is-difaac ah” kadib markii weerar ay soo qaadeen "koox hubeysan oo ku xiran ururo argagixiso.”

Eedeymaha Imaaraadka Carabta ayaa sii sii xumayanay xaaladda cakiran ee Yemen.

Dowladda Yemen ayaa maanta ku eedeysay Imaaraadka Carabta inay weerarka kusoo qaadday ciidamadeeda, ayada oo taageereysa kooxda gooni ugoosadka ah ee Imaaraadka ay garabka siiyaan, taasi oo dib ula wareegtay gacan ku haynta Cadan.

Wasiirka warfaafinta Yemen, Muammar al-Iryani ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay 40 ka mid ah ciidamada dowladda, laguna dhaawacay 70 qof oo shacab ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip