SIDA LOO DAGAYO SARAAKIISHA IYO CIIDANKA MILATARIGA MAAYLAND KU JIRA DOWLLADDA FEDRAALKA SOOMAALIYA LAAKIIN!!

0
01 September, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDA LOO DAGAYO SARAAKIISHA IYO CIIDANKA MILATARIGA MAAYLAND KU JIRA DOWLLADDA FEDRAALKA SOOMAALIYA LAAKIIN!!

    Waa la i dago dabin aasan baa la ii daadinayay, diburooti bay ila doonayaan diin gararadiisi, isha kii dabaa la dareemayaa wuxuu daaranaa, uurdabe Illaah baa daa'ino kaaga daabaqaaya, dunida sidaa u dubaaxiso darandooriyaysa, nabsi duulayaa loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa la i dago dabin aasan baa la ii daadinayay, diburooti bay ila doonayaan diin gararadiisi, isha kii dabaa la dareemayaa wuxuu daaranaa, uurdabe Illaah baa daa'ino kaaga daabaqaaya, dunida sidaa u dubaaxiso darandooriyaysa, nabsi duulayaa loo soo diro dabajoog hawsha, kii soo dilaana dib u doodayo maragga u diyaar ah, waase dhiig dadow duuggiisu wuu soo daahirayaa, se xaq lama duudsiyo wuu dillaacayaa hubaal. Bigridan uurka leh waalidkeedu uu faraxu la boodayo iyo biitooniga jaamiciga badowga xafiiska jooga baddan macaantay badarka xeebta ku yaal iyo qarnigan aynu u joogno cajuusada caadoonaysa bariirow gacmaha lagu sido ee baariga noqonaya waxa sidan sidayna uu yahay sabaan-aakhirka aad la socotaan, waxaan qormadan mar shanaad aynu idin kugu soo gudbin doonaa guud ahaan qaab-dhismeed ciidanka xoogga dalka federaalka Soomaaliya oo sida xaqiiqda ah hoggaannadiisi sarsare iyo kuwa dhexeba aad looga ilaalshay saraakiisha waxgalka ah dhiigga iyo kartida leh u dhalatay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM), si askarta iyo shacabwaynahooga la cunsuriyaynayo loo buuso loolana wareego isla dhulkooda ay u dhasheen loogu dul yimid laguna dulminayo u dhexeeya labada webi badduna ay ku wareegsan tahay mara-na dhulbaraha caalamku Sanguuni.

Wasaaradda gaashaandhigga dalka federaalka Soomaaliya oo ay ka kooban tahay hoggaano farabadan, waxaa hoggaannada ay ka kooban tahay halakan aynu idin kugu soo gudbinaynaa magacyada saraakiisha kala haysata iyo hayb ahaan meelaha ay ka soo kala jeedaan, si aad u hubsataan bal inay wax ka maqan yihiin iyo in kale awoodqabsigii Soomaalidu ku heshiisay Maayland oo qayaastii boqolkiiba 80 ah ciidaanka xoogga u dhimanaya dalka.


1.Hoggaanka maamulka lacagta waxaaa haysta nin lagu magacaabo Ibraahin darajadiisu tahay gaashaanle una dhashay beesha madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud (Xasan Safarow). 2.Hoggaanka ciidanka waxaa loo dhiibay qof lagu magacaabo Cimraan darajadiisu tahay gaashaanle una dhashay beesha Goldogob. 3.Hoggaanka saadka waxaa xukuma shaqsi loogu yeero Sharmaarke darajadiisu ay tahay gaashaanle una dhashay beel ahaan bariga Baladwayne Hiiraan. 4.Hoggaanka gaaddiidka waxaa ka taliya ruux loogu magacdhabay Raage oo ay darajadiisu tahay janan kuna beel aha wasiirka 1-aad raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre. 5.Hoggaanka isgaarsiinta waxaa ku amarkutaagleeya axad lagu magacaabo Dhuxulow ayna darajadiisu tahay gaashaanle dhexe kuna hayb ah raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre. 6.Hoggaanka sahanka waxaa haysta nin lagu magacaabo Cabdiwahaab oo ay darajadiisuna tahay janaraal kuna beel ah madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 7.Hoggaanka sirdoonka waxaa taliye ka ah nin lagu magacaabo Muuse Buube kuna qabiil ah ra'isul-wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre. 8.Hoggaanka hubka iyo rasaasta waxaa ka arrimiya nin lagu magacaabo isna Xasan Shiikhaal darajadiisuna tahay janan oo ku jufo ah Fahad Yaasiinka hasyta sirdoonka federaalka Soomaaliya. 9.Hoggaanka wacyigelinta waxaa taliye ka ah qof lagu magaacbo Qorane darajadiisu tahay gaashaanle sare oo ku qabiil ah kaligii-taliye Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. 10.Hoggaanka sancada waxaa haysta ruux darajadiisu ay tahay gaashaanle sare kuna beel ah kaligiitaliska villa Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 11.Hoggaanka hawlgalinta waxaa taliye ka ah sarkaal lagu magacaabo sareeye guuto Madoobe oo ay darajadiisu tahay janan una dhashay Maayland, balse dhowaan xilkaasi laga qaadi rabo. 12.Hoggaanka tababarka waxaa haysta sarkaal lagu magacaabo Kornayl Mustaf oo ay darajadiisu tahay gaashaanle sare u dhashay Maayland oo isna mardhow lagu baddali doono nin lagu magacaabo Cabdicasiis hayb ahaan ku beel ah raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre.
Haddaynu fahamnay hoggaannada ay ka kooban tahay wasaaradda gaashaadhigga federaalka Soomaaliya saraakiisha kala haysata nuucyadeeda kala duwan iyo meesha ay ka soo kala jeedaan, haddana waxaynu eegi doonaa qaabaalka ciidanka dalku u dhisan yahay iyo Maayland meelaha ay ka joogto lacala haddii ay wax ka maqan yihiin, ama uu siyaado raacay saamigu si aynu wax uga fahamno.
Ciidaanka ugu xoogga badan maanta dowlladda Soomaaliya ay leedahay qaab-dhismeedkiisu kolkaad aad u fiirfiirisid waa 4 nuuc guud ahaantiiba, gaar ahaan kuwa aadka u quseeya maantadan dadyowga Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, oo sida hubantida ah ugu badan ciidamada xoogga dalka federaalka Soomaaliya oo meel waliba khataro waddanku leeyahay lagu shubayo furimaha ugu daran, balse aad mooddo dhanka dheeftu inaanay dhururuq xitaa aanay ka soo gaarinon laga siin, taaso dariiqii xaaqnaa dowlladnimadu ay ka bayreen qolyahan xukunka dalku qudhoodu isku badbaddalaya teeriyo sanadkii 1960 lagu sheegay in la xoroobay, afartaasi qaybood oo kala ah sida-1.Qaybta 12-ka April, 2.Qaybta 27-aad, 3.Qaybta 60-maad iyo 4.Danab.
Qaybta 12-ka April fadhigeedu yahay xerada Damaanyo magaalada Muqdisho oo inta badan ka hawlgasha gobolka Shabellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, waxaa taliye ka ah Janaraal Tawane oo beel ahaan u dashay bariga Baladwayne Hiiraan, halka abaandulaha qaybtuna uu yahay Kornayl Xasan Faqash oo u dhshay beesha Fahad Yaasiinka haysta sirdoonka Soomaaliya imikadan, iyado ururka 36-aad Qaybtan 12-ka April u qaabilsan dhaqaalaha uu haysto maamulo nin lagu magacaabo Xujaale darajadiisu tahay gaashaanle kuna beel ah taliyaha Qaybta Janaraal Tawane ooy bariga Baladwayn Hiiraan ka soo wada jeedaan, halka guutada kali ah ay Qaybtani 12-ka April leedahay lagu magacaabo guutada 1-aad ee uu haysto nin isna lagu magacaabo Xasan Cadde darajadiisu tahay gaashaanle dhexe u dhashay beesha madaxwayne Xasan Safarow, yahayna abaanduulihiisu gaashaanle dhexe Saalax ku hayb ah Mudane Daahir Amiin Jeesow.
Qaybta 27-aad oo ka kooban 2-guuto fadhigeedu yahay Jowhar kana hawlgasha gobollada Hirshabelle, waxaa Qaybtan haytsa Janaraal Tereedisho u dashay beesha Mudane Xasan Shiikh Maxamuud Safarow, waxaana abaanduulaha qaybtu uu yahay Janaraal Saalax ku beel ah xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, halka guutada 3-aad ee Qaybtan 27-aad uu taliye ka yahay Janaraal Ibraahin Yuusuf u dhashay beesha Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, taaso ay sii dheer tahay in dhamaan ururda hoos imanaya guutadan 3-aad Qaybta 27-aad dhamaantood taliyaashu ay yihiin hayb ahaan beesha Madaxwayne Xasan Safarow, iyado geesta kalana guutada 4-aad Qaybta 27-aad uu taliye ka yahay gaashaanle dhexe Saney Cabdulle, yahay abaanduulihiisu gaashaanle Gaambe ku beel ah shirkadda Albarakaad dheh Iimaan Elman-ta fadhida xafiiska taliska ciidanka xoogga fedeaalka Soomaaliya midda kala gaagaabisay saraakiisha iyo ciidaanka Maayland asalkoodu yahay ee ku jira dowlladda dhexe, halka iyana dhamaan taliyaasha ururda guutadan 4-aad ee Qaybta 27-aad hoos imanaya ay beel ahaan haybtoodu tahay ta madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud Xasan Safarow.
Qaybta 60-maad oo fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo awalna uu haysan jiray Janankii dhiigga iyo kartida lahaa Maaynimadu ku jidhay janaraal Ibraahin Yarow, imikadan Qaybtaasi loo dhiibay Janaraal Timacadda, waxaa ay ka hawlgashaa haatan gobollada Baay, Shabeellaha-Hoose iyo Bakool Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, waxaana ururada guutooyinka Qaybtan 60-maad hoos imanaya dhamaantooda taliyaal ka ah dad aanay u dhalan dhulka ay joogto, taaso ay tahay wax aad loola yaabo caddaallad-darida xad ka baxa ah heerkan gaadhay ummad dhan mandiqad daggani lagu samaynayo takoorta aawadeed necbaanshiyaha loo qabo inay marka ay hadlayaan aanay oran "maxa," balse ay yiraahdaan "maay," oo qura.
Guutada 7-aad ee Qaybta 6-maad dhashu dhigatay min Afgooye ilaa jiiddaa Wanlawayn gobolka Shabeelaha Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) waxaa taliye ka ah nin lagu magacaabo Xasan Jaamici gobolku aan u dhalan darajadiisu tahay gaashaanle sare ka yimid Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado, waxaana abaanduulaha guutadaasi ah sarkaalka lagu magacaabo Kornayl Cabdullaahi Dawlle darajadiisu ay tahay gaashaanle dhexe una dhshay Maayland, balse buul laga dhigay Maaynimada awaadeed isago dhulkiisu joogo la joogo, iyado guutadan 3 urur ay ka kooban tahay ururadaasi ay taliyaal ka yihiin sida-Ururka 35-aad guutada 7-aad Qaybta 60-maad Foor-Foor darajadiisu tahay gaashaanle ku beel ah Madaxwayne Xasan Safarow.Fiiro Gaar ah-ninkan waxaa meesha ku ilaashanaya aabbihii Janaraal Gacma-Duule oo xiligan jooga magaalada Muqdisho. Ururka 64-aad guutada 7-aad Qaybta 60-maad Liibaan Madawayne darajadiisu tahay gaashaanle u dhashay beesha Galmudug, halka ururka 34-aad guutada 7-aad Qaybta 60-maadna uu haysto ina miraha darajadiisu tahay gaashaanle isna u dhashay beesha Galmudug.
Guutada kale iyana isku dhareriday min Baraawe ilaa Laanta-Buuro afaafka Afgooye oo markii hore la dhihi jiray guutada 3-aad, balse haatan arrimo jira aawadood dhanka milatariga magaca looga baddalay lana siiyay magaca ah guuto 6-aad, magacaaso laga soo qaaday guuto ka tirsan Qaybta 27-aad fadhigeedu yahay Johwar, waxaa haddaba guutadani magaca 6-aad qaadatay taliye ka ah nin la yiraahdo Janaraal Laba-Afle aan u dhalan dhulka Maayland ee uu ka soo lugeeyay Galmudug gaar ahaan cadaado, waxaana abaandullaha guutadan 6-aad Qaybta 60-maad, abaanduuluhu iyo taliye urureedyado dhami ay wada yihiin dad ka soo jeeda Galmudug oo sida runta ah u soo shaqa tagey dhulkan Maayland kana go'antahay inay si toosa ula wareegaan mulkiyadda gobolkan Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, oo haddaanay dadka Maayland u dhashay iska lihi aanay u istaagin si mid ah Maay dambe aan lagu arki doonin carigaasi maraan dheerayn.
Haddaynu ka boganay sida ciidamada gobollada kale isla dadka gobolladooda u hashay uun taliyaasha looga dhigo, se kuwa gobollada Maayland joogana ay dad aanay u dhalan ciidanka hoggaanka looga dhibo, "cilmi baro qayaastaada ku darso," waa tii horay loo yiriye, haddana waxaana diiradda saaraynaa ciidanka Danab ah oo mid si kale u dhigan, kaasoo uu dhisay Mareykanku looguna talagalay maamul kasta dalka ka dhisani in uu yeesho, maadaama ciidanka Danab uu yahay mid si gaar ah u tababaran haystana tababarka kamaandooska, si maamul waliba uu ugu noqdo cuddudda saxda ah, xitaa hadday hay'adaha dowliga ay burburaan isagu haynaya tiirarka dowlladda inta fulinta dib loogu soo dooranayo.
Danab ciidankaasi booda ilaa iyo imikadan waxaa uu ka dhisan yahay 3 maamul sida-1.Magaalada Kismaanyo gobolka Jubada Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, ee uu haysto nin lagu magacaabo Ciraaqi oo ay darajadiisu tahay gaashaanle kuna beel ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 2.Magaalada Gaalkacyo ee uu taliye ka yahay isna nin lagu magacaabo Mukhtaar darajadiisu tahay gaashaanle una dhashay Galmudug, 3.Garoonka wayn Bilidoogle ee uu taliye ka yahay nin lagu magacaabo Jiniqaar darajadiisu ay tahay gaashaanle kana soo jeeda Puntaland beesha guud ee kaligii-taliye Farmaajo, halka Puntland-na dhismahaasi ciidanka Danab waqtigan uu socdo, goorta la dhisana loo dhiibo doona isla nin deegaankaasi uun ka soo jeedo.
Waxaa ku noqosho iyo xusid mudan, haddii Danab-ta Mareykanku dhisay loogu talagalay maamul waliba inuu cudduddisa u gaarka ah uu yeesho, ooy dhamaan maamulada kale saraakiil isla deegaanada laga dhisay ka soo jeeda ay taliyaal ka yihiin, waa maxay sababta keenaysa Danab-ta fadhida garoonka wayn ee Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose oo saami ahaan ay tahay saamigii Maayland uu Jiniqaar taliye uga yahay nin aan u dhalan Maayland kana yimid 1'000 Km iyo in ka badan?

Doqon lama gaboodsado, loomana gargaaree, Maayoow gacantaada ku ciilbeel amar Alle laakiin!!

By.Ustad Adam



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip