Kenya oo hadal yaab leh ka soo saartay xayiraadii DF ee duulimaadyada Kismaayo

0
01 September, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo hadal yaab leh ka soo saartay xayiraadii DF ee duulimaadyada Kismaayo

    Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in go'aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in go'aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tagaya ama ka baxaya Kismaayo maraan Muqdisho ay tahay ujeeddo ka dhan ah dowladda Kenya.

Wargeysku waxaa uu sheegay in Magaalada Kismaayo ay joogaan Ciidamo Kenyaan ah sidoo kalena joogaan Magaalada Dhoobley.

Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ku amartay diyaaradaha ka dagaya Kismaayo ama ka duulaya in ay maraan Magaalada Muqdisho si hubin loogu sameeyo.

Hayeeshee dowladda Kenya ayaa u aragta in go’aankaasi yahay mid iyada ka dhan ah.

kenya waxa ay dadaal xoog leh ugu jirtaa sidii kiiska Badda loogu dhameyn lahaa meel aan maxkmad ahayn.

Laakiin Maxkamadda kiiskaas gacanta ku heysa ee ICJ ayaa sheegtay in dhegeysiga wareegga ugu dambeeya uu bilaabanayo 9ka Bishan September kuna egyahay 13ka Bishan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip