Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Muqdisho

0
01 September, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Muqdisho

    Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Suuqa Xaafada Arjantiin ee degmada Kaaraan nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku nool xaafadaas, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay Suuqa Xaafada Arjantiin ee degmada Kaaraan nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku nool xaafadaas, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida, waxaana lagu magacaabi jiray Caddaawe Cabdulle Fareey, waxaana la sheegay in rag ku hubeysan bastoolado ay dileen, kadibna goobta ka baxsadeen.

Dilka kaddib ayaa waxaa la sheegay inay goobta gaareen Ciidamada Booliska oo howlgalo ka sameeyay xaafada dilka ka dhacay.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa hoos u dhac u yimid dilalka ay geystaan kooxaha bastooladaha wax ku ugaasarada, waxaana ciidamada amniga xaafadaha Muqdisho ka wadeen howlgallo amniga lagu sugayay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip