Bilow Keerow: "Qaadku waa miro sheydaan oo bur burinaya dhallinyarada Soomaaliyeed"

0
01 September, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilow Keerow: "Qaadku waa miro sheydaan oo bur burinaya dhallinyarada Soomaaliyeed"

    Senataor Bilow Keerow oo horay uga mid ahaa Aqalka sare ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Qaadka uu dhibaato badan ku hayo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senataor Bilow Keerow oo horay uga mid ahaa Aqalka sare ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Qaadka uu dhibaato badan ku hayo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Bilow Keerow oo laga doorto Mandheera ayaa sheegay in Qaadka uu yahay Miro sheydaan kaas oo baabi’inaya dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xildhibaanka hore ayaa sheegay in Qaadka ay iska daayaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu ku hayo dhibaato weyn sidoo kalena yahay daroogo saameyn taban ku leh mustaqbalkooda.

Waxaa uu sheegay in waqti dhow ama mid dheerba ay dadka Soomaaliyeed fahmi doonaan dhibaatada uu leeyahay Qaadka islamarkaana iska joojin doonaan.

Dowladda Kenya Wasaaraddeeda Caafimaadka ayaa sheegtay in Qaadka uu leeyahay saameyn caafimaad islamarkaana ay tahay in laga digtoonaado.

Kenya ayaa waxaa ay Qaadka ka heshaa Malaayiin doollar,waxaana suuqeeda ugu weyn uu yahay Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip