Ra'iisul Wasaare Kheyre oo maanta ku sii jeeda Baydhabo

0
07 September, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo maanta ku sii jeeda Baydhabo

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo socdaalkiisa la xiriiro arrimo kala duwan oo uga weyn tahay amniga iyo dib u habeynta Ciidamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo socdaalkiisa la xiriiro arrimo kala duwan oo uga weyn tahay amniga iyo dib u habeynta Ciidamada.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socda Baydhabo, iyadoo koox hordhac u ah safarkiisa ay maalin ka hor gaareen magaalada, waxaana waddooyinka magaalada laga taagay boorar sawirradiisa ah iyo halku dhegyo lagu soo dhoweynayo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in dhowr cisho uu joogo Baydhabo, sidoo kale waxaa uu safaro ku tagi doonaan deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ee amnigooda gacanta lagu haayo.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Baydhabo ayaa ku soo beegmaya, xilli lagu wado in dhowaan bilaabato soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, maadaama waqtigooda dhamaaday Baarlamaanka hada jira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip