Mashaariic Horumarineed laga hirgelnayo Xudur oo Ra'iisul Wasaare Kheyre dhagax dhigay

0
11 September, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashaariic Horumarineed laga hirgelnayo Xudur oo Ra'iisul Wasaare Kheyre dhagax dhigay

    Mashaariic horumarin ah oo laga hirgelinayo degmada Xudur ayaa maanta Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre dhagax dhigay, kuwaasoo isugu jira dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xudur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta gobalka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashaariic horumarin ah oo laga hirgelinayo degmada Xudur ayaa maanta Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre dhagax dhigay, kuwaasoo isugu jira dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xudur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta gobalka Bakool.

Istibaalka Xudur oo dhismihiisu uu qayb ka yahay qorshaha horumarinta caafimaadka, ayaa marka dhismaha lagu dhameeyo, lana qalabeeyo waxaa ka faa’iideysanaya bulshada deegaanka oo dhibaata ku qabay helidda daryeel caafimaad, daweynna u doonan jiray magaalooyin fog oo Muqdisho ay kamid tahay.

Bulshada ku nool magaalada Xudur, maamulka gobalka Bakool iyo kan degmada Xudur oo markii Ra’iisul Wasaaraha soo gaaray magaaladaan ka codsaday in dowladdu wax badan ka qabato baahiyaha caafimaad, ayaa ka mahad celiyay dhagax dhigga mashruuca lagu dhisayo Isbitaalka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray mashruuc nalalka cadceedda ku shaqeeya oo laga hir-geliyay wadada isku xirta garoonka diraaradaha iyo xarunta gobaka Bakool, waxa uuna dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay lacag lagu casriyeynayo garoonka kubbadda cagta Dr. Waaberi oo Ra’iisul Wasaaruhu maalin kahor ballan qaaday horumarintiisa.

Himilooyinka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo qayb ka ah afarta tubood ee qaranka, ayaa waxaa qayb ka ah hir-gelinta adeeg caafimaad oo tayo leh oo lacag la’aan ah iyo sameynta mashaariic lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip