Kenya oo quus ka taagan Gaadiidkii dagaalka ee ay ka iibsatay China

0
18 September, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo quus ka taagan Gaadiidkii dagaalka ee ay ka iibsatay China

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay quus ka taagantahay gaadiidka qaada Ciidamada ee ay horay uga iibsatay dalka China.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay quus ka taagantahay gaadiidka qaada Ciidamada ee ay horay uga iibsatay dalka China.

Gaadiidkaas oo loo yaqaan APC, ayaa waxaa adeegsada Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Soomaalida waxaana loogu sheegay in aysan Karin Miinooyinka iyo qoriga RPG-ga oo ay inta badan adeegsadaan AL-shabaab.

Hayeeshee waxaa su’aalaha hay’adaha amaanka Kenya ka qabaan Gaadiidkaas kordheen todobaadkii hore markii 10 ka mid ah Ciidanka Kenya lagu dilay weerar ka dhacay agagaarka Ceel waaq.

Ciidamadaas ayaa adeegsanayay Gaariga aanay Miinada iyo qoriga RPG-ga Karin ee APC, laakiin Gaariga ayaa kala firdhay waxaana halkaas ku dhintay 10 Askari halka 20 kale ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Booliska Kenya Charles Owin oo shir jaraa’id kaga hadlayay arrintan ayaa sheegay in ay ka niyad jabeen Gaadiidka ay dowladda Kenya ka iibsatay China ee loogu talagalay in loo adeegsado dagaalka iyo goobaha colaadaha.

Gaadiidkaas ayey dowladda Kenya u qeybisay Ciidamadeeda ka howlgala degaannada Soomaalida sida; andera, Elwak, Liboi, Amuma, Mangai, Basuba, Milimani, Mkowe, Mugumumbi,  Mangai , Barago, Tot ,iyo Arabai .

Khubarrada dhinaca Ciidanka  ayaa sheegaya in Gaadiidkan oo ay farsameyso sharikadda Poly Technologies ee dalka China aysan ahayn kuwo ku filan amaanka Ciidanka Kenya.

Qaarkood ayaa ku doodaya in tayada Gaariga aysan ku xirneyn qaraxa balse tahay sababta Gaadiid wanaagsan u bur burayaan Awoodda maadada Qaraxa.

Isha:standardmedia.co.ke




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip