Shil diyaaradeed oo sababay in hakad ku yimaado Shaqada Goroonka Muqdisho.

0
09 October, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil diyaaradeed oo sababay in hakad ku yimaado Shaqada Goroonka Muqdisho.

    Waxaa warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Shaqada Garoonka Aadan Cadde oo hakad ku yimid, gaar ahaan dhabaha ay diyaaraduhu kusoo dagaan kadib shil diyaaradeed oo maanta ah ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Shaqada Garoonka Aadan Cadde oo hakad ku yimid, gaar ahaan dhabaha ay diyaaraduhu kusoo dagaan kadib shil diyaaradeed oo maanta ah ka dhacay.

Shilka oo ay sababtay diyaarad nooca xamuulka ah ayaa wuxuu ka dambeeyay markii ay awoodi wayday in ay lugaha u baxaan islamarkaana duuliyaha uu kusoo dejiyay si qasab ah .

Diyaaradda ayaa ku soo degtay caloosha, maadaama lugihii u bixi waayeen, waxaana tani ay sababtay in la hakiyo howshii Runway-ga Iyadda oo aan wali la xaqiijin cidda leh diyaaradda, lama soo warin wax khasaaro nafeed.

Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in howsha garoonka, gaar ahaan Runway-ga ay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu soo celiyaan haatana ay ku howlanyihiin Xalinta Arintaan.

Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya wali kama hadlin Shilkaan sababay in uu hakad ku yimaado Shaqada Garoonka Aadan Cadde oo Muhiim ah isku socodka Diyaaradaha u duula Guddaha Wadanka iyo dalalka Caalamka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip