Madaxweyne Farmaajo oo furay kal fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

0
09 October, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo furay kal fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Madaxweynaha Jamhuurida Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaayo ayaa maanta furay kal fadhiga 6 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuurida Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaayo ayaa maanta furay kal fadhiga 6 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, si si rasmi ah uga furay kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulanka Furitaanka ka jeediyay Khudbad dhanacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadlay arimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Xiirka Caalamkaa, Arimaha Maamul Goboleedyadda dalka iyo Midnamada Umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dagaalka Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kula jiraan Al shabaab.

"Waxaan idiin xaqiijineynaa inaan mar walba ka daali doonin inaan soo celino sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed lahayd inta aan xafiiska joogno.waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa dowladda iyo shacabka intaba inay u midoobaan sidii ay u tirtiri lahaayeen kooxaha argagixisada ah ee caadeystay dhibaateynta dadkeen” ayuu yiri Farmaajo.

Xafladda Furitaanka waxaa ku sugnaa Gudoonka Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Jabuuti,Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Gudoomiyaha Maxkamada Sarre ee dalka,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip