Madaxweyne ku xigeenka Indonesia oo sheegay in Kalluumeysi sharci darro ka socdo Somaliya

0
09 October, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Indonesia oo sheegay in Kalluumeysi sharci darro ka socdo Somaliya

    Madaxweyne ku xigeenka Dalka Indonesia Jusuf Kalla, ayaa sheegay in Biyaha Soomaaliya ay yihiin kuwo gacanta u galay kalluumeysi sharci darro ah islamarkaana dadka Soomaalida ah aysan ka faa'ideysan karin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Indonesia Jusuf Kalla, ayaa sheegay in Biyaha Soomaaliya ay yihiin kuwo gacanta u galay kalluumeysi sharci darro ah islamarkaana dadka Soomaalida ah aysan ka faa'ideysan karin.

Waxaa uu ka hadlayay kulan dhiirro gelin ah oo uu u sameeynayay Kalluumeysatada Dalkiisa oo uu ku yiri ” ka faa’ideysta kheyraadkiinna, haddii aadan ka faa’ideysan Ajaanib ayaa sharci darro ku qaadan doonta sida biyaha Soomaaliya oo kale”.

Jusuf Kalla ayaa sidoo kale sheegay Kalluumeysatada Soomaaliya ay isu rogeen Burcad badeed taasina ay ku qasabtay kaddib markii kheyraadka badahooda ay xoog ku qaateen Ajaanib.

Susi Pudjiastuti oo ah Wasiirka arrimaha Badda ee Dalka Indonesia ayaa sheegtay in Kalluumeysatada Indonesia ay qarka u saaranyihiin in ay noqdaan sida kuwa Soomaaliya oo kale.
Waxaa ay walaac ka muujisay Kalluumeysato Ajannabi ah oo bur buriya Doomaha Kalluumeysatada Indonesia kaddibna kalluunka qaata.
 
Wasiirad Susi ayaa dowladda ugu baaqday in ay la timaado qorshe cad oo wax looga qabanayo Badaha dalkeeda haddii kalena ay Kalluumeysatada Indonesianka ah isu beddeli doonaan Burcad Badeed sida Soomaaliya oo kale.
 
Waxaa ay sheegtay in 40 Doomood oo ay leeyihiin Kalluumeysatada Indonesia ay quusiyeen Maraakiibta sharci darrada ah taasina qeyb ka tahay dhibaatada ka jirta biyaha dalka Indonesia.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip