Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farriin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

0
12 October, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Farriin adag u diray Madaxweyne Farmaajo

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan Magaalada Kismaayo, islamarkaana Khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa Farriin adag u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku sugan Magaalada Kismaayo, islamarkaana Khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa Farriin adag u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay hadii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay isku daydo in wadadii loogu tala galay doorashada ay ka leexiso ay la kulmi doonto dhibaato culus.

Madaxda dalka ayuu uga digay Muddo Kororsi iyo in doorashada soo socoto aysan noqon Mid xor iyo xalaal ah.

Siyaasiga ayaa sheegay in madaxda maanta joogta ay u baahan yihiin in gacmaha la qabto oo lala taliyo si uusan dalku u burburin.

Hadii aan dalka laga qaban Madaxda maanta ayuu sheegay in dhibaatooyin badan oo Muddo dheer socda dhalan doonaan uuna ugu baaqayo Shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo Wadajir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip