Daawo: siduu immigrationka Baydhabo udayacnaa iyo isbadalka muuqda ee lagu sameeyay?

0
13 October, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: siduu immigrationka Baydhabo udayacnaa iyo isbadalka muuqda ee lagu sameeyay?

    Shacabka Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Somalia .ayaa soo dhaweeyay addeeega hufan iyo isbedelka lagu sameeyey muuqaalka goobtii hore ee ay ku shaqeyneysay xafiiska Jinsiyadaha iyo laanta socdaalka koonfurgalbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Somalia .ayaa soo dhaweeyay addeeega hufan iyo isbedelka lagu sameeyey muuqaalka goobtii hore ee ay ku shaqeyneysay xafiiska Jinsiyadaha iyo laanta socdaalka koonfurgalbeed.

Hay"adaan ayaa waxay ku shaqeyn jirtay muddo kabadan afar sano goob nadaafadeeda liidatay oo ay ka cabsan jireen dadka usoo doonta  adeegyadda loo qabanayo iney kasoo qaadaan cudurada faafa ,sida bakteeriyo iyo daacuun caloole. Hadda oo wax badan laga badalay waxay aad ula dhaceen qaabka uu ushaqeeyo Xafiiskaasi kadib markii lagu sameeyey isbedel muuqda oo ku saabsan, qolalakii shaqada iyo sidoo kale gudaha xaruntaasi.


 Mudadda kooban ee xilka loo magacaabey Agaasimaha Guud ee haya"daan Cumar Xaaji  Ibraahim , Cumar Yare ayaa wuxuu wax ka bedeley guud ahaan xafiiskii ay hadda ku shaqeyn jirtay, nidaamkii iyo habraacii aadka dadka loogu dhibi jirey.
Qofka soo doonta Baasaboorka keliya wuxu kasoo baxaa shuruudihii caadiga ahaa ee u degsanaa nidaamka hay"ada mana jiraan waxyaabo dheeri ah oo dadka loogu qaato howl fududeyn ama usoo dedejin, balanta rasmiga ah qofka marka uu dalbado ayaa lasiinaa mana jirto kusoo noq noqasho iyo in Muwaadinka lagu dhibo laanta socdaalka.
Agaasimaha wuxuu cirib tiray gebi ahaan Musuqa. Wuxuuna sameeya kormeer joogta iyo dabagal joogta.
Halkaan ka daawo sida maanta laga dhigay iyo badalka weyn ee ka muuqda kadib hoos ka sii daawo sawiro kale siduu ahaan jiray

Halkaan ka daawo sideey ahaan jirtay intaan isbadalka lagu sameyn Xarunta iyo dayacii ka muuqday
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip