XAFLAD DIINI AH OO LAGU QABTAY MAGAALADA ZURICH DALKA SWITZERLAND LAAKIIN!!

0
27 October, 2019 in Maqaallo by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAFLAD DIINI AH OO LAGU QABTAY MAGAALADA ZURICH DALKA SWITZERLAND LAAKIIN!!

    Qaadirku siduu qorsheeyay qararka ka yimid samada 14 qarni kahor risaalada dunidu ku kala socoto aakhirana doonta badbaadadu tahay risaala-sidihii u damneeyay Maxamed Ibni C/LLaahi Ibnu Mudhalib Ibnu Haashim cs xaflad heerkeedu sareeyo dhalashadiisi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaadirku siduu qorsheeyay qararka ka yimid samada 14 qarni kahor risaalada dunidu ku kala socoto aakhirana doonta badbaadadu tahay risaala-sidihii u damneeyay Maxamed Ibni C/LLaahi Ibnu Mudhalib Ibnu Haashim cs xaflad heerkeedu sareeyo dhalashadiisi lagu waynaynayo ooy muslimiin badan meelo kala duduwan isaga kala yimid ka soo qaybgaleen ayaa lagu qabtay xarunta ganacsiga magaalada Zuurich ee dalka Switzerland, magaaladaaso ay ku nool yihiin in ka badan 150 jinsiyadood dadka dunidan ku nool.
Xafladdan oo ixtiraam badan ay muujinayeen martida iyo martisoorayaasha, ayaa waxaa saacado badan si isdabajoog ah loogu soo bandhigay si toos ah taariikhda dhalashad rasuulka cs iyo juhdigaa adkaa uu ku baxshay fidinta diinta samaawiga Islaamka kutubka Furqaan oo ay nasiib u yeesheen ummadda umadaha u dambaysa ummadaha una fadli badan ummadihii caalamka soo maray ee inaga horeeyay, kuwaaso badankood nebiyadoodo dhex jooga lagu halaagag adduunyadan, kadib kolkii ay raaci waayeen kuwii risaalooyinka siday ee laga soo dhex saaray qaadana waayeen amarkii Rabbiga caalamiinta abuuray iyo maqluuqaad dhex susumaya. 
Kulanka mawlidka waddanka Switzerland lagu qabtay waxaa goobta qurxoon wajiyadii nuurayay qaybaha kala geddisan ee bulshada la arkayay lana maqlayay ajiibayaashii iyo ku soo casuumayaashii khayrka shuyuuq iyo caamaba oo si kore cod dheer ku qaadaya salliga rasuulka Maxamed cs, iyado laga dareemayay dhamaan dadkii goobta xaadirka ku ahaa jidbo qalbiga ku matatay jacaylka xabiibka suuban, taaso qushuuc iyo qabow ku beertay mufusiriintii kala jinsiyadda iyo kala afka ahaa, balse xuskaasi guud ayaadka iyo axaddiista la daliilinaya kaliya isu keenay kuna midaabay, sida ay markhaatiga ka noqotay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Operation tiimkeeda uu hoggaaminayo madaxa guud saxaafadda Dr Amaandhoorey si rasmi loogu casuumay madasha.
Khilaafka mufasiriinta dunida Islaamka ku qotoma dhigidda mawlidka waa halkiiye, guntii iyo gabangabadii, xafladdii quruxda badnayd lagu xusayay dhalashadii rasuulka cs ka dhacday gobolka Zurich waddanka Switzerland waxaa shuyuuqdii siirada nebiga goobta ka aqrisay ka mid ahaa sida:-1.Macalin Maxamed C/LLaahi oo aayaadka Quraanka furitaanka xafladda ka aqriyay. 2.Macalin Abuukar Macalin Carabay oo dikri qalbiga taabanaya goobta sood dheer ku hoggaaminayay. 3.Shiikh Maxamuud Xuseen u dhashay Carab oo banaanshiyaha mawlidka bayaaniyay. 4.Shucayb C/LLaahi Maxamed Muxsin oo siirada Afka Jarmalka ku soo jeediniyay. 5.Macalin Nuur Macalin Maxamed oo ku dheeraaday faahfaahinta dhalashadii nebiga cs. 6.Shiikh Axmed Duuri oo ku nuuxnuuxsaday mashruuca xafladda aadka la isugu yimid. 7.Macalin Cumar Macalin C/Raxmaan oo xiriirinayay habsamida ay u socotay xafladdu iyo ardayda dugsiga Quraanka iyo tarbiyada diinta Islaamka Khulafaa'u-Raashudiin oo iyana si wayn uga dhex muuqanayay kulankan nashiiddooyina ka qaadayeen.


 

Tawxiidka lagu hodmaa tasbiixda badsaan ku iri walaal qaali ah amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip