Hirshabelle State:- Fatahaaddii way kayartahay sida ay maalmihii lasoo dhaafay ahayd.

0
02 November, 2019 in Wararka by BANA Mogdishu Office
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirshabelle State:- Fatahaaddii way kayartahay sida ay maalmihii lasoo dhaafay ahayd.

    Lataliyaha sare ee dhanka saxaafadda madaxaweynaha dowladda hishabelle state Xasan Cabduqaadir Mudey ayaa sheegay in xoogaa ay yaraadeen fatahaaddii kajiratay magaalada Baladweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lataliyaha sare ee dhanka saxaafadda madaxaweynaha dowladda hishabelle state Xasan Cabduqaadir Mudey ayaa sheegay in xoogaa ay yaraadeen fatahaaddii kajiratay magaalada Baladweyne.


Waxa uu bartiisa soo dhigay qoraal uu ku xaqiijinayo sida ay xaaladda fatahaadda marayso, waxa uuna u qornaa sidaan:-

"Waxaa Alle mahaddiis ah in aan kasoo kabannayno maalinba maalintii kadanbaysa fatahaaddii musiibada ahayd ee deegaannadeena kajirtay. 


Waxeey dadkeenu dareemayaan deganaansho kaduwan kuwii maalmihii lasoo dhaafay ay dareemayeen. 

Waxaa kusugan magaalada ganacsiga Hirshabelle state madaxweynaha dowladda hishabelle state Dr Mohammed Abdi Ware si uu shacabkiisa ula qaybsado xanuunka fatahaaddu ay dhalisay,sidoo kale qaar kamida golaha wasiirrada iyo qaar kamida xildhibaannada ayaa kula sugan Madaxweyne Waare. 

Fatahaaddu waxeey sidoo kale kajireen Degmada Mahadaay oo iyadana laga dareemayo deganaansho, waxaana gaaray Madaxweyne kuxigeenka dowladda Hishabelle state Ali Gudlaawe Hussein, oo ay wehliyaan gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan iyo Xildhibaannada kasoo jeeda Degmada Mahadaay iyo tuulooyinka hoos yimaada. 

Waxaan mahad ballaaran ujeedinaynaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee nala wadaagay dareeenkooda iyo intii nasoo gaarsiisay gurmadka walaalnimo. 

Hirshabelle waxey diyaar u tahay in ay lashaqeyso cidkasta oo kaqeeyb qaadanaysa garabsiinta shacabkeena dhibaatada soo gaartay. 

Mahadsanidiin  !
Hassan Abdulkhader Mudey


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip