Xiisad u dhaxeyso Ciidamo kala taabacsan Farmaajo & A.Madoobe oo ka taagan Gedo

0
06 November, 2019 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad u dhaxeyso Ciidamo kala taabacsan Farmaajo & A.Madoobe oo ka taagan Gedo

    Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa ku waramaya in xiisad u dhexeysa ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa ku waramaya in xiisad u dhexeysa ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Xiisadan ayaa timid, kadib markii uu sii xoogeystay khilaaf u dhexeeyey labada dhinac oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa halkaasi, iyadoona laga cabsi qabo inay dagaalamaan labada ciidan.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa isku qabtay dad taageersan dowladda, kana soo horjeeda Jubbaland oo lagu xir xiray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidanka dowladda lagu amray inay isaga baxaan halkaasi, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen arrimaha maamulka.



Barre Cabdisalaan Yacquub oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladdaayaa sheegay in haatan ay ka sii dareyso xaaladda , islamarkaana xiisada kala dhexeysa Jubbaland loo baahan yahay in xal deg deg ah laga gaaro, si aysan u sababin gacan ka hadal.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah eee Soomaaliya inay soo farageliso arrintan, una soo gurmato, sida uu hadalka u dhigay.


Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe uu jiray khilaaf u dhexeeyey dowladda oo ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo, iyo sidoo kale xariga ay dowladda u geysatay wasiirka amniga Jubbaland oo weli ku xiran magaalada Muqdisho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip