Qatar oo Muqdisho ka qaaday dhaawacyadii Qarixii ex-koontarool

0
30 December, 2019 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar oo Muqdisho ka qaaday dhaawacyadii Qarixii ex-koontarool

    Dowladda Qatar ayaa diyaarad iyo dhaqaatiir usoo dirtay Dowladda Soomaaliya, si dalkaas loogu qaado dhaawacyada aan dalka waxba looga qaban karin ee ku dhaawacmay Qarixii Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Qatar ayaa diyaarad iyo dhaqaatiir usoo dirtay Dowladda Soomaaliya, si dalkaas loogu qaado dhaawacyada aan dalka waxba looga qaban karin ee ku dhaawacmay Qarixii Muqdisho.
Guddiga gurmadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in 22 dhaawac ah loo qaadidoono dalka Qatar, kuwaas oo isla maanta ay qaadayso diyaarada ay soo dirtay dowladda Qatar.

Waa dowladdii labaad oo usoo gurmata Soomaaliya, Dowladda turkiga ayaa maalintii shalay dhowr diyaaradood oo siday dhaqaatiir iyo Daawo geeysay magaalada Muqdisho, waxayna sidoo kale qaaday dhaawacyadii ugu darnaa ee xaaladooda laga deyrinayay.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageeradeeda walaalnimo ee ay la garab istaagan tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dhibbanaha ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip