Al-Shabaab oo la wareegay saldhig muhiim ah oo ku dhow magaalada Baydhabo

0
01 January, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo la wareegay saldhig muhiim ah oo ku dhow magaalada Baydhabo

    Faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo saakay ka dhacay deegaan duleedka ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo saakay ka dhacay deegaan duleedka ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka aan ka heleyno deegaan lagu magacaabo Cara-gaduud oo u dhaw Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Koonfur Galbeed halkaas ay ku leeyihiin, waxaana goobta ka dhacay dagaal kooban.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-shabaab iyo Ciidanka Koonfur Galbeed ay isdhaafsadeen rasaas xoogan, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo aan weli la xaqiijin.


War qoraal ah oo lagu daabacay Baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegteen inay dagaal kula wareegeen deegaanka Cara-gaduud oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Koonfur Galbeed, isla makaana gacanta ay ku dhigeen hub.


Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay uga hadlaayan wararka sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Cara-gaduud oo u dhaw Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip