Shariif Xasan oo ka baxay garabka mucaaradka lana heshiiyay Farmaajo

0
01 January, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan oo ka baxay garabka mucaaradka lana heshiiyay Farmaajo

    Xog hoose oo an helnay ayaa sheegeysa in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu heshiis qarsoodi ah la galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kaas oo ku dhacay Khadka Taleef

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog hoose oo an helnay ayaa sheegeysa in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu heshiis qarsoodi ah la galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kaas oo ku dhacay Khadka Taleefanka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Shariif Xasan kula heshiisay inuu yareeyo mucaaradadiisa iyo weerarada afka ah uu ku soo qaadayo madaxtooyada Soomaaliya,kaas oo sii xoojinaya siyaasiyiinta ku kacsan Dowladda.

Sidoo kale, Shariif Xasan oo dhaliilay hanaanka wada shaqeyn ee Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh oo labo mar isku xigta ka hor istaagay inuu u tartamo madaxweynaha Soomaaliya ula heshiiyay madaxweyne Farmaajo,wuxuuna sanadka 2020/21 doonaya Shariif Xasan inuu u tartamo madaxtinimada dalka.


Sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah,madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shariif Xasan ka dalbaday inuu xiriirka u jaro Imaaraadka Carabta,maadama uu qeyb ka yahay siyaasiyiin dhowr ah oo laga maalgeliyo Imaaraadka Carabta,kuwaas oo Dowladda Federaalka ku kacsan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip