Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo ka socda Muqdisho & Xaalka oo xun

0
02 January, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbaxyo iska soo horjeeda oo ka socda Muqdisho & Xaalka oo xun

    Bannanbax labaad oo rabshado wata ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne careysan isugu soo baxeen isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ee qaraxu ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bannanbax labaad oo rabshado wata ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne careysan isugu soo baxeen isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ee qaraxu ka dhacay.

Dadka bannaanbaxaya ayaa xiray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxayna dhagxaan ku shidayaan Gaarigii isku daya inuu wadadaasi maro, iyado gubaya lugaha baabuurta.

Dadka banaanbaxa wada ayaa sheegay inay ka horjeedaan ciidamada dowladda oo Jiingad ku xiray goobtii ay ganacsiyada ku lahaayeen ee Ex. Koontrol Afgooye Qaraxa kadib, ayna tuhunsan yihin in dowladda ay la wareegeyso si ay ganacsato kale u siiso.

Bannaanbaxayaasha ayaa markii dambe ku dhawaaqayay ereyo ay uga so horjeedaan madaxda Dowlada Soomaaliya, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka yihiin: "FARMAAJO DOONI MEYNO…”

Bannaanbaxa ayaa weli kas ocda Ex. Kontrol Afgoye, wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo uu magaalada Muqdisho ka socdo bannaanbax kale oo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya, siiba maamulka Gobolka Banaadir kaasoo looga horjeedo Ashabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip