Qorshe cusub oo lagu sugayo amniga Muqdisho oo socda

0
03 January, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshe cusub oo lagu sugayo amniga Muqdisho oo socda

    Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho ka dib qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho,kaas oo sabababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho ka dib qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho,kaas oo sabababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Ka dib shir xalay isugu yimaadaan Hay’adaha amniga Dowladda ayaa lagu gorfeeyay xaaladda amni ee dalka gaar ahaan sugida amniga caasimadda Soomaaliya ka hor doorashooyinka soo socda.

Shirkan oo ka dhacay Xarunta ciidanka Booliska ee Kumaando Polizio ayaa waxaa xoogga lagu saaray in il gaar ah lagu eego xaqiijinta amniga caasimadda oo maalmo ka hor uu gil gilay Qarax Xooggan oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen ururka Al-Shabaab.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Hay’adaha amniga ay isku afgarteen in amniga Muqdisho kor loo qaado,islamarkaana la dhiira geliyo ciidamada kala duwan ee sugaya amniga caasimadda,kuwaas oo habeen iyo maalin u soo jeeda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip