Khilaafka Wiiqay dhismaha maamulka Galmudug

0
06 January, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Wiiqay dhismaha maamulka Galmudug

    Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu xoogeystay khilaafka wiiqay geedi-socodka Doorashada Baarlamaanka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu xoogeystay khilaafka wiiqay geedi-socodka Doorashada Baarlamaanka Galmudug.
Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay bilaabeen inay qaarkood dhaliilaan qorshaha uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre u jooggo Magaalada Dhuusamareeb.

Nabadoon Maxamed Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku hawlan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyay in uu fashil ku hoggaaminayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Nabadoon Maxamed Xaashi oo ka soo muuqday Warbaahinta gudaha ayaa tilmaamay in Ra’iisal Wasaaraha iyo kooxdiisaba ay doonayaan inay dhisaan Galmudug hoos-tagta Villa Somalia, isla-markaana aanay doonayn Galmudug matasha dadka deegaanka.


Qaylo-dhaanta Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay salka ku haysaa in la bedelay inta badan saxiixe-yaashii Galmudug ee 2015, iyadoona lagu soo bedelay kuwo ka shaqaynaya danaha Villa Somalia iyo inay Villa Somalia ku hawlan tahay, sidii ay Odayaasha Dhaqanka uga saxiixan laheyd liiska Xildhibaano ay wadato.

Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed ayaa Madaxda Dowladda ku eedeeyay inay bohol ku tuurayaan Galmudug, isla-markaana aanay doonayn in reer Galmudug loo yegleelo maamul ay ku qanacsan yihiin.

Odayaal kale oo uu ka mid yahay Nabadoon Cabdi Cali Guure ayaa Odayaasha Dhaqanka ee ku hawlan soo xulista Xildhibaanada cusub uga digay inay saxiixaan liiska ay ku qoran yihiin magacyada shakhsiyaadka ay soo xushay Villa Somalia.

Odayaasha Dhaqanka qaarkood ayaa waxay Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan kulamo aad mooddo inay liddi ku yihiin socdaalka Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ee Dhuusamareeb, oo markii hore lagu sheegay mid lagu dardar-gelinayo dhismaha maamulkan.

Ka dib markii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu ka horyimid dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug ayaa waxaad mooddaa inay kicisay dareenka Odayaasaha Dhaqanka.

General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Xafiiska Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf la’aantii ay dowladdu ku adkaan doonto inay soo dhisto Galmudug loo dhan yahay.

Musharax Cabdiraxmaan Tuuryare oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa ka dhawaajiyay in Madaxweyne Xaaf uu weli yahay Madaxweynaha Galmudug, isla-markaana uu sii ahaan doono illaa iyo inta laga soo dooranayo Madaxweynaha xigga.

General Tuuryare ayaa intaa ku daray in Xaaf uu weli leeyahay miisaan siyaasadeed, isla-markaana uu kasban karo dadka ay ka go’do siyaasadda Galmudug qaarkood, balse uu ku talin lahaa inay dowladdu xaliso tabashada uu ninka odayga ahi qabo.

Khilaafka wiiqay doorashada ka socota Magaalada Dhuusamareeb oo marba heer taagnaa ayaa waxaad arki kartaa inuu gaaray heerkii ugu sareysay, waxaana laga cabsi qabaa inuu fashil ku yimaado doorashada, haddii aanay dowladdu la shaqayn dadka deegaanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip