Hub la sheegay in Al-Shabaab laga furtay oo Kismaayo lagu soo bandhigay

0
10 January, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hub la sheegay in Al-Shabaab laga furtay oo Kismaayo lagu soo bandhigay

    Howlgal ay ciidanka Jubbaland ka sameeyeen degaanka Yaaq Bishaaro ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa saraakiisha hogaamineysa waxay sheegeen inay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal ay ciidanka Jubbaland ka sameeyeen degaanka Yaaq Bishaaro ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa saraakiisha hogaamineysa waxay sheegeen inay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Abaanduullaha guutada 1-aad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Aadan Cabdulqaadir oo hoggaaminayey ciidanka howlgalka sameeyey ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalka iyo guusha ay gaareen ciidanka Jubbaland, isagoo sheegay in howlgalku ku soo dhamaaday sidii loo qorsheeyey.

Waxa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay qorsheynayeen inay weerar ku qaadaan deegaanka Cabdalla Biroole, balse ciidanka oo helay xogta ay weerar ku qaadeen degaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.


"Waxaan howlgalka ku dilnay 3 dagaalame, waxaana nolol ku soo qabanay mid kale oo  ka tirsan Al-shabaab, iyo hub kala duwan waana sii wadeynaa ilaa ka cirintirno kooxaha nabadiidkaā€¯ ayuu yiri Abaanduullaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip