Dowlada Somalia oo ciidamo gaar ah ka dejisay Baardheere & Xog ku aadan ujeedkooda

0
10 January, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Somalia oo ciidamo gaar ah ka dejisay Baardheere & Xog ku aadan ujeedkooda

    Dayuurad gaar ah oo siday ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa galabta ka degtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dayuurad gaar ah oo siday ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa galabta ka degtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gudoomiyaha degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland Ismaaciil Cabdi Qorrax ayaa xaqiijiyey ciidadan gaaray degmadiisa.

"Waxaa galabta Baardheere timid dayuurad siday ciidamo aan la aqoon oo si ba’an u hubeysan, wejigana soo qarsaday” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 50 askari oo ka duulay magaalada Muqdisho ayay wararka qaarkood sheegayaan iney wadaan qorshe ay ku soo xirayaan gudoomiyaha degmada Baardheere iyo gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi.


Gobolka Gedo ayaa waxaa ka socda loolan dhinaca awooda iyo maamulka ah oo u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamulka Jubballand, iyadoo gudoomiyeyaashii Jubbaland u magacowday degmooyinka Luuq, Belad-xaawo iyo Doolow ay u goosteen dhinaca dowlada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip