Heshiis Halis Ah Oo Farmaajo & Abiy Ahmed Saacado Ka Hor Kala Saxiixdeen

0
11 January, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiis Halis Ah Oo Farmaajo & Abiy Ahmed Saacado Ka Hor Kala Saxiixdeen

    Sida ay Warar hoose ku heshay Warqaad waxaa heshiis saacado ka hor kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay Warar hoose ku heshay Warqaad waxaa heshiis saacado ka hor kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Heshiiska ayaan weli wax war ah kasoo saarin Xukuumadaha Muqdisho iyo Adis ababa,balse Xog aan ogaanay ayaan idinla wadaageynaa.

Abiy Ahmed ayaa Madaxweyne Farmaajo ka taageeri doona sidii loo baabi’in Lahaa Awooda Maamul Gobolleedyada Dalka Oo Nidaamka Federaalku dhismay.

Waxa Heshiiska uu dhigayaa in Qorshe aysan Caalamka dareemin loo marayo arintaan si hadhoow indhaha Dunida uqaban hadii weerar la qaado.


Jubbaland iyo Puntland ayaa laga bilaabayaa bur burinta maadaama ay yihiin kuwo ugu saameynta badan Maamulada dalka ka jira hadana Dawlada Dhexe is hayaan.

Meesha lagama saarin Doorka Dawlada Kenya Ee Jubbaland ku taageereyso,xilli Bishii October 2019-kii Wafdi Ballaaran Ay Kenya udirtay Kismaayo Xaflada Caleemo saarka Axmed Madoobana ka qeyb galeen.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa waxa hadda ku furan daba gal ay ku hayaan Mucaaradka Dalkiisa maadaama si hoose uu u bur burinayo Federaalka Ay Dalkiisa qaadatay Sanado badan ka hor.

Waxa uu umarayaa bur burinta Federaalka Dalkiisa Xubno Qowmiyada Oromada uu ka dhashay ah,taas si la mid ah ayuu Soomaaliya ka caawin doonaa sidii Maamulada Federaalka meesha looga saari lahaa.

Sanad iyo Bil ayaa Farmaajo Xukunka Dalka uga hartay waxanaa uu doonayo inuu soo geba gabeeyo Rabitaanka Mucaaradka si xukunka ugu soo laabto si meel cidlo ah uga helana waxay uga baahan tahay Isbaheysi ballaaran uu sameysto.

Villa Soomaaliya kama aysan hadlin weli Heshiiska la sheegay in Abiy Ahmed iyo madaxweyne Farmaajo Saacado ka hor ku gaareen Magaalada Adis ababa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip