Kheyre oo lagu go'doomiyay Madaxtooyada & Farmaajo oo go'aan cusub gaaray

0
19 May, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kheyre oo lagu go'doomiyay Madaxtooyada & Farmaajo oo go'aan cusub gaaray

    Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka gaar ahaa kuwa ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada ayaa adkeeyay amniga xarunta Villa Somalia,waxaana gabi ahaanba la diiday marista wadooyinka xiliyada habeenkii ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka gaar ahaa kuwa ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada ayaa adkeeyay amniga xarunta Villa Somalia,waxaana gabi ahaanba la diiday marista wadooyinka xiliyada habeenkii ah.

Kheyre oo taageeo xoogan ka heli doona 27ka wixii ka dambeeyo dhamaan mucaaradka oo kasoo horjeeda fikirka Farmaajo ayaa iyaguna wada abaabulo iyo isku dabaridid wixii awood ah karaankooda in baro cayiman la isugu geeyo si Farmaajo meesha looga saaro hadii ay noqoto dagaal.

Siyaasiyiinta soomaalida ayaa aintooda badan waxaysan ogeyn in Farmaajo uu diyaarsadey oo loo qalabeeyey halkii uu degi lahaa oo aan muqdisho aheyn oo muqdisho keliya taageeriyaashiisa iyo xubnaha kale ee dowlada ka howl gali doonaan,


Farmaajo ayaa waxaa loo diyaariyey Madaxtooyada Baydhabo qeybtii dambe ee Shariif xasan dhisayey waxaa laga dhex sameeyey xafiisyo oiyo howlal aad u waawyn oo la isku fur furey qolal awal gooni gooni ahaa, sidoo kale waxaa baydhabo la geeyey HUB , waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda lageeyo ciidan iyo hub kaloo dheeri ah.

16kii bishaan ayaa dayaarada Daruuro waxay geysey Baydhabo 70 Qori AK47 ah, ujeedkana waa farmaajo oo isku aamini waayey Muqdisho in si dhuumaaleysi ah oo aan la ogeyn kusoo dego baydbabo si dagaal muqdisho ka qarxa aan laftiisa waxba kazoo gaarin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip