SIYAASIGA FASHILAN !!

0
20 May, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIYAASIGA FASHILAN !!

    Madaxweyne Farmaajo markii la doortey 8 Febaraayo 2017 aad loo ayaa soo dhoweeyey, iyadoo la rajeynaayey inuu yahay Madaxweyne u adeegaaya danyarta iyo kuwa dulman sida uu ka dhawaajiyey intaan la dooran ka hor x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo markii la doortey 8 Febaraayo 2017 aad loo ayaa soo dhoweeyey, iyadoo la rajeynaayey inuu yahay Madaxweyne u adeegaaya danyarta iyo kuwa dulman sida uu ka dhawaajiyey intaan la dooran ka hor x

uquuqda muwaadanka iyo waajibaad badan oo dastuuri ah gudanaaya,  dowladaha deriska ahna uga digaaya iney farogelin ku sameeyaan arimaha Wadankeena ee Soomaaliya. Wuxuuna ku dhaartey  in uu noqdo muwaadin   ka shaqeeya masaalixda Umada Soomaaliyeed,sidaa awgeed  siduu uu noqon lahaa Madaxweyne xalaal ah oo mudnaanta koobaad siiya dalkiisa iyo dadkiisa waxaa muuqata inuu ka leexdey ballan qaadkiisii intaan la dooran ka hor.

Dalalka deriska:Kenya waxaad ogtihiin iney jirto dacwadii kiiska badda ee naga dhaxeyso hadana waxaanu ka war sugnaaba waa go,aanka Maxkamada ay ka gaarto (International  Law Court). Arimaha farogelinta ee Kenya waa mid aan mar naba raali ka ahayn dhaqan ahaan qabka ku jira  qofka Soomaaliga ah iyo wadaniyada jadbeysan ee ay ka qaateen.


Itoobiya waa cadow soo jireen ah ee arimaha siyaasada iyo difaaca burburkii dalka Soomaaliya kaalin weyn kaga jirtey maantana uu doonaaya Madaxweyne Farmaajo inuu amni u doonto iyaga,  taasoo ku hareereysan siyaasad qalifsan iyo mustaqbal mugdi ah inuu u sababo Soomaalida.
Cadaalada:

Hadaba maxaa la gudboon Soomaalida  iney dib isugu laabtaan oo heshiis guud yeeshaan dhibaatadii lasoo marey ay wax ku qaataan bog cusub oo lagu badbaadiyo jiilka cusub u reebaan manhaj ee ku qoran Cadaalad yo Sinaan. Waxaana lagama –maarmaan ah iney meel uga soo wada jeestaan cadowga dibada iyo kan gudaha, Hogaanka wadankana ay runta u sheegaan.

Siyaasada:waxa diidan horumarka siyaasada waa qabyaalada iyo nin jecleysiga taana waxa keliya looga gudbi karaa dhisida xisbiyada, taasoo  muwaadin kasta uu ku doortaa  mabaadii,ida uu isaga ay la tahay suuro galnimada hankiisa oo xalaal ah ka fayow wax isdaba marin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip