Gobalka Bakool Waxaa Dhibaato Ba'an Shacabka Degmada Xudur Ku Haya.

0
21 May, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobalka Bakool Waxaa Dhibaato Ba'an Shacabka Degmada Xudur Ku Haya.

    Maxamed Cabdi Maxamed (Tool) Oo Ah Gudoomiyaha Gobalka Bakool & Maxamed Macalin Axmed (Madmaaling) Oo Ah Gudoomiyaha Degmada Xudur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Cabdi Maxamed (Tool) Oo Ah Gudoomiyaha Gobalka Bakool & Maxamed Macalin Axmed (Madmaaling) Oo Ah Gudoomiyaha Degmada Xudur.
Shacabka Ku Nool Degmada Xudur Waxey Go'doonsanyihiin Mudo Ka Badan 10 Sano, Taas Oo Sabab U Ah, In Maamulka Gobalka Bakool & Kan Degmada Xudur Ay La Shaqeeyaan Maleeshiyada Al-shabaab.

Maamulka Degmada Xudur Ayaa Canshuur Baad Ah, Ka Qaada Shacabka Ganacsatada Ee Ku Nool Degmada Xudur Taas Oo Ay Kala Qeyb Sadaan Maamulka Gobalka Bakool & Kan Degmada Xudur & Saraakiil Al-shabaab Ah Oo Ay Qaraabo Yihiin, Islamarkaasina Ah Kuwii Gobalka Bakool Go'doomiyey.


Waxaa Xusid Mudan In Canshuur Labaad Ay Qaataan Xubno Kale Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Xudur Oo Shaqadooda Aan La Garaneynin, Qaar Kamida Ganacsatada Yaryar Ee Xudur Ku Ganacsada Oo Aan La Xiriirey Ayaa Ii Sheegey In Ay Iska Joojiyeen Ganacsigii Yar-yaraa Ee Magaalada Ay Ku Lahaayeen, Kaaga Sii Daran, Waxaa Markale Canshuur Baad Ah, Laga Qaadaya Guryaha Taas Oo Amar Ahaan Kasoo Baxey Saraakiil Al-shabaab Ah Oo Duleedka Degmada Xudur Ku Dhuumaaleysanaya Islamarkaasina Ay Xiriir Toos Ah La Leeyihiin Masuuliyiinta Gobalka & Maamulka Degmada Xudur.

Musuqmaasuqa 100%.

Xudur Waxaa Jooga Hay'ado Samafal Oo Iskugu Jira 'Local & International' Dhamaan Masuuliyiinta Hay'adaahisi U Joogey Degmada Xudur Ayaa Lagu Amrey In Kaararka Samafalka Ah, Ee Hay'adaha Ugu Talo-galeen In Ay Siiyaan Dadka Masaakiinta Danyarta Ah, Ee Ku Nool Degmada Xudur Ay Ku Wareejiyaan Maamulka Degmada Xudur & Kan Gobalka Bakool Iyagoo Sheegey In Shacabka Ay Iyagu Masuuliyiin U Yihiin.

Hay'adaha Ayaa Aqbaley In Dhamaan Kaararka Ay Ugu Tala-galeen In Ay Siiyaan Dadka Masaakiinta Ah, Ay Ku Wareejiyaan Maamulka Degmada Xudur & Kan Gobalka Bakool, Dhamaan Kaararka Loogu Talo-galey Masaakiinta Ee Lasiiyey Maamulka Gobalka & Kan Degmada Xudur Waxaa Kala Qeybsadey Labada Gudoomiye, Maxamed Cabdi Tool, Gudoomiyaha Gobalka & Maxamed Macalin Axmed, Gudoomiyaha Degmada Xudur.

Dhamaan Hay'adaha Ka Shaqeeya Gobalka Bakool Shaqaalaha U Shaqeeyo Oo Madaxda Ka Ah, Waa Jifooyinka Ay Ka Dhasheen Labada Gudoomiye, Baabuurta Ay Ku Shaqeeyaan Hay'adaha Dhamaantood Waxaa Iskaleh Labada Gudoomiye, Wax Kasta Oo Degmadaas Yimaada Oo Gargaar Ah, Waxaa Kala Qeybsada Labada Gudoomiye, Inta Soo Harteyna Waxey Siiyaan Labada Jufo Ee Ay Ka Dhasheen.

Dhowaan Waxaa Degmada Soo Degtey Hay'ad Layiraahdo 'African Volunteer' Waxey Rabtey Labo Qof Oo Shaqaala Ah, Labada Gudoomiye Waxey Geysteen, Gudoomiyaha Gobalka Bakool, Wuxuu Geystey Wiil Uu Isaga Dhaley, Gudoomiyaha Degmada Wuxuu Geystey Wiil Uu Isaga Adeer U Yahay, Majiro Qof Sedexaad Oo Degmadaas Laga Shaqaaleysiiyo Aan Ka Ahayn Labada Jufo Ee Ay Ka Kala Dhasheen Labada Gudoomiye.
Degmada Xudur Marka Laga Soo Tago Dadka Degan Ee Ku Go'doonsan, Waxaa Jira Shacab Kasoo Barakacey Degmooyinka, Rabdhuure & Tiyeeglow Oo Isla Gobalka Bakool Ka Tirsan, Ma Heystaan Daryeel Caafimaad, & Mid Gargaar Beni'aadanimo.

Gobalka Bakool Kama Jirto Isla Xisaabtan Dowladnimo, Majiro Masuul Dowladeed Oo Kasoo Jeeda Gobalka Bakool Oo La Xisaabtama Gudoomiyaha Gobalka & Kan Degmada Xudur, Dowlada Federaalka & Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Dhibaatada Ka Jirta Gobalka Bakool, Iyagaa Masuul Ka Ah, Muhiimada Ugu Weyn Ee Loo Furi Laayahay Wadooyinka Xir-xiran Ee Gobalka Bakool, Ayaa Ah In Gebi Ahaanba Laga Soo Guuro, Gobalka Bakool, Taas Oo Mar Hore Bilaabatey, Dhamaan Masuuliyiinta 5-ta Degmo Ee Gobalka Bakool, Siyaasada Ku Matasha Baydhabo Waxey Ku Leeyihiin Guryaha Ugu Dhaadheer Ama Ugu Quruxda Badan, Halka Shanta Degmo Ee Gobalka Aysan Ku Lahayn Xitaa Guriyo Mudul Uu Ku Dhisanyahay.
Caafimaadka.

Degmada Xudur Hada Waxey Dhaanta 2016-2017-2018, 2019-2020, Waxaa La Qalabeeyey Isbitaalka Degmada Xudur, Waxaana Jira MCH-yo Ay Maamulaan Hay'ado International & Local Iskuga Jira Oo Degmada Ka Furan, Waxaa Kale Oo Soo Badanaya Xarumo Caafimaad Oo Ay Leeyihiin Aqoonyahaano Deegaanka U Dhashey, Hada 65% Baahidii Caafimaadka Way Soo Daboolmeysaa.
Waxbarashada.

Degmada Xudur, 2018, 2019, 2020, Waxaa Kusoo Badanaya Goobaha Waxbarashada, Waxaana Ku Yaala, Ilaa Sedax Iskuul Oo Dugsiga Sare Gaarsiisan, Waxaana Intaasi Kasii Tira Badan Dugsiyada Hoose & Dhexe, Waxaa Jirta Hal Jaamacadood Oo Dadka Deegaanka Ah Aysan Lahayn, Dhinaca Waxbarashada 55% Degmadu Way Soo Hagaageysaa, Waxaana Xusid Mudan In Ardeyda Xudur Wax Ku Barata Ay Ka Tayo Fiicanyihiin Kuwa Gobalada Kale Wax Ku Barta.

Isboortiska.

Dadka Ku Nool Degmada Xudur 70% Waa Dhalinyaro Waxeyna Inta Badan Xiiseeyaan Ciyaaraha, Waxaana Ka Dhisan Ilaa 11 Kooxood Kuwaas Oo Galab Kasta Loosoo Daawasho Tago, Degmada Waxaa Ku Yaala Hal Garoon Oo Lagu Magacaabo 'Dr. Waaberi Stadium' Oo Qaab Casri Ah U Dhisan, Inkastoo Lacagtii Raisul-Wasaare Kheyre Ugu Talo-galey Ay Lunsadeen Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed & Madaxweyne C/casiis Lafti-gareen, Hadana Wuxuu Ka Casriyeysanyahay Dhamaan Garoomada Ku Yaala Deegaanada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mahadsanidiin.
W/Q: H.E. Hassan Somali.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip