Booliska DF oo sheegay iney qabteen nin qarax ismiidaamin ah ka fulin rabay Muqdisho

0
08 June, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 77
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska DF oo sheegay iney qabteen nin qarax ismiidaamin ah ka fulin rabay Muqdisho

    Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu isku qarxiyo dadkii maanta ka qeyb galay banaanbaxii Muqdisho ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu isku qarxiyo dadkii maanta ka qeyb galay banaanbaxii Muqdisho ka dhacay.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa intaas ku daray in ninka oo xirnaa jaakadaha qarxa uu rabay inuu isku qarxiyo dibad baxayaasha, isagoo xusay in qalabkii uu isku qarxin rabay iyo isagiiba gacanta lagu hayo baaritaan uu ku socdo.

"Maanta oo ah 7-da bisha Juun sanadka 2020 abaare 10:00 am Ciidanka Hogaanka Baarista Dembiyada ee C. I. D-da ee Booliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay labo qarax oo kala ah nuuca gaadiidka lagu dhajiyo iyo Jaakada loo Isticmaalo in la isku qarxiyo, xili dhagar-qabayaashu ay rabeen inay maanta ku isticmaalaan, Ex-Control Afgooye iyo Ceelasha Biyaha” ayuu yiri Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).


Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii ku soo kordha baaritaanka ninkaas isku qarxin rabay banaan baxayaasha ay dib ka soo sheegi doonaan.

"Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay miinooyinkii iyo dhagarqabayaashii watay iyadoo aysan wax qasaare ah geysan Waxaan Ummadda u balan qaadaynaa in Cadaalada la horgeyn doono” ayuu intaas ku daray afhayeenka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip