Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo shir deg deg ah ku leh Muqdisho
Waxaa xarunta guddiyada Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho maanta ku shiraya guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa kulanka uga hadli doona qodobo ay ka mid yihiin Ajendayaasha kulamada soo socda oo ah kuwa ugu muhiimsan.
Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo.
27 Bishaan ayaa lagu waddaa in ay hortaggaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Guddiga doorashooyinka Qaranka.