
Cabdi Xaashi oo si cad u diiday dalab uga yimid Madaxtooyada Somalia & Xiisad taagan
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa xalay kulan Albaabada u xiran yahay ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo marxaladda kala guurka ah ee la galay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin qoraalkii ka soo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare kasoo baxay 11-kii bishan iyo baaqii shirka wadatashiga, taasoo uu ku gacan seyray Cabdi Xaashi, markii ay madaxweynaha isku fami waayeen.
Cabdi Xaashi ayaa diiday dalab uga yimid madaxweyne Farmaajo oo ahaa inuu tallaabadaas uu qaaday ka laabto si uusan u dhex gelin mowqifka Dowladda Federaalka ka taagan tahay arrimaha doorashooyinka iyo Khilaafka Madaxtooyada iyo Dolwad goboleedyada.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dadaal u galay sidii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu qancin lahaa inay sii wada shaqeeyaan labada Aqal ee Baarlamaanka ayna ansixiyaan sharciga Xisbiyada ee dib loo eegay iyo xeerarka Sharciga Doorashada, taasoo Guddoomiye Axmed Xaashi u sheegay inuusan awood ua lahayn.
Kulanka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa kusoo dhammaaday, iyadoo aan wax guul ah laga gaarin, qorshihii Madaxweyne Farmaajo-na uu socon waayey, taasoo qeyb ka ah cadaadiska lagu hayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ayaa u muuqda mid u janjeera dhanka mucaaradka wuxuuna doonayaa fikir ka duwan midka madaxtooyada Soomaaliya.
Cabdi Xaashi oo si cad u diiday dalab uga yimid Madaxtooyada Somalia & Xiisad taagan
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa xalay kulan Albaabada u xiran yahay ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo marxaladda kala gu