
Shabaab oo shaaciyay iney Muqdisho ku dileen labo sarkaal
Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilalka laba ruux oo saacadihii aynu soo dhaafnay lagu Dilay Magaaaladda Muqdisho.
Warbaahinta shabaab ayaa baahiyay in rag shabaab ka tirsan ay degmadda yaaqshid xalay ku dileen sarkaal ka tirsanaa maxkamadaha dowladdda maamusho.
Ninkan al shabaab dileen ayaa magaciisa lagu sheegay cabdi raxmaan xaaji cali , waxaana warbaahinta al shabaab baahisay in ninkan markii la dilay kadib laga qaatay gaari nuuca raaxada ah uu watay.
Sidoo kale shabaab ayaa sheegtay in weerar kale oo ka dhacay xaafada kaawo godey ee degmada dharkeenley ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka milatariga soomaaliya oo magaciisa lagu soo gaabiyay jilibey.
Shabaab oo shaaciyay iney Muqdisho ku dileen labo sarkaal
Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilalka laba ruux oo saacadihii aynu soo dhaafnay lagu Dilay Magaaaladda Muqdisho.