Dagaal Qasaaro Badan Dhaliyey oo Ka Dhacey degmada Wanle-weyn

0
10 December, 2020 in Wararka by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Qasaaro Badan Dhaliyey oo Ka Dhacey degmada Wanle-weyn

    Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed & Maleeshiyo Beeleed ayaa ka socda degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed & Maleeshiyo Beeleed ayaa ka socda degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa intaas  ku Daraya in dagaalka uu bilowday markii maleeshiyo hubeysan ay weerareen bar-koontorool oo Ciidamada ku leeyihiin xaafada Muuri ee degmada Wanle-weyn sida ay ku waramayaan ilo wareedyo ku sugan degmadaas.

Weerarka lagu qaaday kontrolka ciidamada ayaa salka ku haya isqabqabsi la xiriira lacago halkaas looga qaado gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sida kuwa rakaabka iyo xamuulka.

Ad by Valueimpression
Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay inay markii hore dileen afar ka tirsan ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed taasoo keentay inuu dagaalka si toos ah u bilowdo.


Xaalada degmada Wanle-weyn ayaa kacsan waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo isweydaarsanayaan dhinacyada halkaas isku fara saaray, iyadoo qeybo ka mid ah degmada ay xiran yihiin goobaha ganacsiga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip