IMAMKII SAN-DIEGO}IYO XAALADIISI HALKA AY MAREYSO

0
24 January, 2011 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 3890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IMAMKII SAN-DIEGO}IYO XAALADIISI HALKA AY MAREYSO

    Warbixin ku saabsan Sheikh Maxamed Khadar Imaamkii Sandiego ee dalka Mareykanka iyo xaaladiisii ugu dambeysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin ku saabsan Sheikh Maxamed Khadar Imaamkii Sandiego ee dalka Mareykanka iyo xaaladiisii ugu dambeysay.

اللهم فك أسر شيخنا الحبيب محمد خضر

اللهم عجل بفكاك شيخنا الحبيب محمد خضر

اللهم أعد شيخنا الحبيب إلى منبر السنة

عة لدرجات اللهم اجعل مصيبته هذه تكفيرا عن سيئاته و رف

اللهم لا تفتنا في ديننا و ثبتنا على الحق إلى يوم أن نلقاك

وآخردعوانا ان الحمد لله رب العالمين

W/Q:Akhuukum C/laahi Abul-Fadli

Walaalaha Muslimiinta ah ee ku nool daafaha dunida inta taqaan sheekha iyo Inta aan aqoonba,waxaan horay uga hadlay,xariga sheekha iyo dowrkiisii dacwo ee W/maraykanka,waxaan ka cudur daaranayaa,warbixinta sheekha oo aan maalmahan idiin soogudbinin,sababtuna waxay ahayd anigoo safaro ku jiray.

Intaa kadib Waxaan hada halkan idin kugu soogudbinayaa,xaaladii ugu danbaysay ee sheekha. Taariikhdu markay ahayd 20 bishan jan.2011,ayaa sheekha la horkeenay Maxkamad isaga iyo 3 kale oo walaalaha soomaaliyeed ka mid ah,oo ay sheegeen inay isku kiis yihiin.Ma aysan dhicin dacwad dhagaysi.

sababta ugu wayna waxay ahayd,qolyihii sheekha soo eedeeyay oo aan soo dhamaystiran waxay sheekha iyo walaalaha kalaba ku soo eedeeyeen,waxayna codsadeen in dib loogu dhigo dacwada illaa bisha may ee sanadkan,loyarkii sheekha ayaa ka dooday dib u dhigaas,waxayna markii danbe ku dhamaatay,in dib loodhigo ilaa bisha april ee Sandakan.

XAALADA SHEEKHA

Ilaah Fadligii Sheekha xaaladiisu aad ayay u wanaagsantahay,in kastoo qof xabsi ku jiraa oo aanan haysan xoriyadiisa ay dhibkeeda leedahay.laakiin sheekhu niyadiisa aad ayay u wanaagsantahay.

Sheekha illaahay fadligiisa caafimaadkiisa aad ayuu u fiicanyahay aragtidiisana ma aysan xumayn sidii ay ii soo gudbiyeen walaalihii ka qayb galay maxkamadii sheekha.

Sheekho illaahay fadligii wuu la soo xiriiraa xaaskiisa iyo caruurta iyo asxaabtaba,waana fursad illaah uu siiyay.

HAWSHII QAREENADA SHEEKHA IYO DADAALKA MAJLISKA .

Illaahay fadligii Inta badan waxaa iska soo dhamaaday,waxyaabihii ay u baahnaayeen qareenada sheekha,waxyaabo yar yar oo dhimana waxaa lagu mashquul sanyahay soo dhamayntooda,waxaana rajaynaynaa in-sha allaah inay ku guulaystaan difaacida sheekha. Wixii soo siyaado waan idiin soogudbin doonaa . insha allaah .

Fadlan u soo duceeya sheekha har iyo habaynba.

Walaalkiin C/llaahi Abul-fadli. Minneapolis/MN. 01/24/2011





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip