Maalinta Jaceylka Aduunka Oo Maanta Ku Beegan

0
14 February, 2011 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 2477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Jaceylka Aduunka Oo Maanta Ku Beegan

    waa maalin in badan oo dunida kamid ah si, xushmad iyo maamuus kudheehantahay loogu weyneeyo loogana damaashaado aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa maalin in badan oo dunida kamid ah si, xushmad iyo maamuus kudheehantahay loogu weyneeyo loogana damaashaado aduunka

dareenkaani farxada huwan waa maalin si,weyn dunida ugu dhexmuuqata , waa maalin dad badan oo waayaha kala geeyey is milicsadaan ama istebeen .

lamaanayaal tiro badan ayaa isweydaarsada hadalo dabacsan oo ay kalsooni ay kabuuxdo iyagoo kujaan goynayo heerka jaceyl ee kadhaxeeya waxa midba midka kale uu u muujiyaa laabtiisa sida ay ugu marantahay ayna u,tabeyso iyagoo isxasuusinayo waayo waxay soo mareen iyo waagii nolosha ay bilaabayeen.

14/febraayo waa maalin ku weyn ,qadarin iyo qiimo kuleh dadka kadhaxeeya caashaqa.


maalintan waxaa aad caalamka u maasheya ugana dhexmuuqda midabka gaduudan ama casaan oo lagu midabeeyey nashqado sidii wadnaha ah iyo ubaxyo udgoon badan .
midabkan cas ama gaduudan maxaa loogu jantaa arimaha jaceylka? iyo halkuu gunta kuhayo qormada, xigta ayaa kusoo qaadan doona insha,allah.


VALENTINE INTUU KAYIMID ? MUXUSE YAHAY MAGACAN KUBAAHEY ADUUNKA?

lama hayo taariiq sugan ee laga soo wariyo valentine waxana kamid ah seddax warin oo kala fog,lakiinse waxa xaqiiq ah sheekadani iney dhacdey xiligii roman's ka ,boqorkii cluasius II hadaba aan soo bandhigo seddaxda sheeko ee valentine asalka kuhayso waxana kamid ah seddaxdan qeybood

1) Roman's ku waxay u dabaal degi jireen waagii baaniyamaal (pegan) kujireen ciida loo yaqaano (LUPURCALIA) waxana ciidaasi sameyn jireen hadiyado ay illaahyadooda ugu dhowaan jireen ,iyagoo rumeysan inay xumaan oo dhan kaxijaabeyso xoolahdooduna habar,dugaag iyo halaqa kahor,istaagi doonto .

kadib markii diinta masiixiga qaateen waa qarnigii seddaxaad nabi ciise (cs) kadib Boqor cluadius wuxuu soo rogey xeer uu askarta guurka kaga xakameynayo ,waa cunu qabateyn dhanka guurka,ah wuxu kusababeeyey arintaas.
Boqorku dagaalo badan ayuu gali jirey wuxuuna rumeysnaa askari xaas leh inaanu si,hufan u,dagaal karin haduuba xaas iyo ilmo leeyahay.

arintaasi waxa ku,gacan seyrey BAADERI ,st VALENTINE oo waagaas noola,wuxuu bilaabey lamaanayaasha doonayo inay noloshu wadaagan si,hoose isugu meheriyo askarta dhexdeeda isagoo aan dhag jalaq u,siin dhawaaqii boqor CLAUDIUS.

Boqorkii arintii buu ogaadey mr VALENTINE xabsi ayaa loo,taxaabey waana ladiley taariiqdu marka ay aheyd 14/ FEBRAAYO 270 waxaana loo,aqoonsadey maalinta jaceylka aduunka.
waa aragtida ugu dhow uguna macquulsan

2) aragti kale waxay leedahay boqorku wuxuu ahaa Diin ,laawe ,VALANTINE na wuxuu ahaa wadaad Masiixiyada dadka ugu yeera boqor CLUADIUS wuxuu go,aansadey inuu VALENTINE Diintiisa weydaariyo dhanka DIIN la,aanta VALENTINA waase diidey aragtidaasi Gurracan kadib 14/febraayo ayaa dil lagu xukumey lana diley.

markii danbe ee Boqor CLAUDIUS uu Diinta Qaateyna wuxuu ku,aadiyey ciida maalintii VALENTINE ladiley si,loogu xasuusto wadaadkii Diinta u dhintey.

3) Qodobkani ugu danbeeya seddaxdii warin ee laga soo tabiyey VALENTINE waxayna leedahay markii laxirey VALENTINE intuu kujirey xabsiga wuxuu calmadey ama jeclaadey gabar uu dhaley ninka xakuma xabsiga kadibna Qoorta ayaa loo dheereyey wuxuuna qorey geeraro iyo xikmado oo uu gabadha udhaafey intaan ladilin kahor waxayna aheyd 14/febraayo .

FG ISLAAMKA MADHIIRA GELIYO WIXII KABAXSAN DIINTA MUSLIMKA, QORMADAN MA,AHAN MID AAN KUDHIIRA GELINAYO IN LADAMAASHAADO 14,FEBRAAYO WAXANA XUSEY OO KELIYA TAARIIQ HORE OO JIRTEY

MAXAMED AADAN AFYEREY
DARES,SALAAM TANZANIA
Afyerey@hotmail.com

FG: hadaba si aad ugu qeyb qaadatid dhismaha masjidka weyn ee Baydhabo waxaad ugu hagaajin kartaa wixii qarashaad ah.
Dahabshiil = D0009350.
Bakaal = BAI003.
Amal = 0508-04-45721-1001.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heyso webmaster@baidoanews.com.
Baidoa Information Center




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip