Siid Cali "Shalay Waa La Iga Been Abuurey Ee Anigaa Ah Gudoomiyaha DM UK"

0
15 February, 2011 in Maqaallo by Baidoanews Webmaster
  • Visits: 2722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siid Cali "Shalay Waa La Iga Been Abuurey Ee Anigaa Ah Gudoomiyaha DM UK"

    Injineer Siid Cali Oo Aan xiriiro lasameyney ayaa wuxuu sheegey in laga been abuurey oo uusan Tanaasulin welina yahay Gudoomiyaha Xaqa Ah ee Uk dhinaca Jaaliyada DM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Injineer Siid Cali Oo Aan xiriiro lasameyney ayaa wuxuu sheegey in laga been abuurey oo uusan Tanaasulin welina yahay Gudoomiyaha Xaqa Ah ee Uk dhinaca Jaaliyada DM.
Siid Cali waxa uu ku tilmaamey Injineer Maxamuud Xuseen Caliyow Ibrow, inuu fududaadey islamarkaana uu ka hadley wax alle iyo wixii uu qalbigiisa ku jirey oo aheyd inaan anigu tanaasulo.

Tanaasul waxaaba ka horeeya in Meel la isugu imaado oo la wada hadlo, daraad waan wacey telka ayuu iga qaban waayey mana jirin inaan iskala hadalney Arimo noocaas ah ee dulmiga ha la iska daayo dadkaan halaga shaqeeyo horumarkooda ayuu yiri siid Cali.

Injineer Siid Cali mar,aan weydiiney waxa uu ku diidayo hadii dadkii awal doortay hadana ay la jecleysteen in xilkii laga qaado oo la doortay Gudoomiye kale ayaa waxa uu sheegy in dadka warqada usoo qorey oo xilka ka qaadey ay ahaayeen 5 qofood, wuxuuna ku doodey in 5 Qofood keliya aaney aheyn DM.


Wuxuu kaloo iska fogeeyey inuu kala geeyey DM Uk oo Gabdhihiina ay isku direen, wuxuu sheegey iney hada lacago aruurinayaan oo ay ugu tala galeen Abaaraha siid cali wuxuu warkiisa kusoo koobey Inuu asagu yahay Kan rasmiga ah ee hogaaminaya Jaaliyada DM ee Dalka Ingriiska.

Wareysiga Siid Cali Halkaan Ka Dhageyso,

Abowasharow Baidoanews


FG: hadaba si aad ugu qeyb qaadatid dhismaha masjidka weyn ee Baydhabo waxaad ugu hagaajin kartaa wixii qarashaad ah.
Dahabshiil = D0009350.
Bakaal = BAI003.
Amal = 0508-04-45721-1001.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco baidoanews.com Isha koowaad ee wararka dhabta ah Ka soo dhiibo wixii fikirkaaga ama macluumaad aad heysowebmaster@baidoanews.com.
BaidoaInformationCent


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip